“Shalay Markii Uu Faysal Cali Waraabe Sharaxnaa, Waxa Laga Yeelay Waanu Ogayn” Xildhibaan Dheeg

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeedo ay Kalsoonida siisay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu sidan ku sheegay hadal uu Maanta ka jeediyay Munaasibad loo qabtay Wadada cad oo 5 Km oo ka mid ah uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray.



Waxaanu yidhi “Waxaan leeyahya waar marka Dawladda wanaagsan la helo Mashaariicdda socota ILAAHAY-baa loogu mahad-naqaa, wixii Indhahaagu arkayaan ee ka Markhaati furayaan been lagama sheego. Maanta Hargeysa Bilicda u korodhay waad aragteen, Waddooyinka loo sameeyay waad aragteen Daarihii labanka ahaa ee Ingiriisku ka taga waad aragteen Fooq-yadda laga taagay, waxa imika socdana waad aragteen waxa dambe ee soo socdana wey ka sii fiican-yihiin” ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
 
 
 
 
Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Madaxweynahana waxaan leeyahay wixii Beeshani ka codsanaysay waa lagu yidhi codkana yaa kula murmaya, waxaan leeyahay Beesha Ciida-galena Nin idiinma sharaxna. Ninka Garxajisna shalay markii uu Faysal Cali Waraabe sharaxnaa waxa laga yeelay waanu ogayn, waxaanu leenahay anaga kaasaana noo Madaxweynah ahaanaya (Madaxweyne Siillaanyo) oo aanu dhisaynaa oo is garab-taaga” ayuu yidhi Xildhibaanku.
 
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
Berbera news/Hargeysa.