“Waxaanu Ku Nimid Qaab Doorasho Oo Sharci Ah, Sharci-na Waanu Kaga Baxayna” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta xadhiga ka jaray waddo isku xidhaysa Salaxlay iyo Hargeysa ayaa sheegay inuu hoggaaminta Somaliland ay Shacabku ugu doorteen sifo sharciga waafaqsan, waxaanu xusay in sidda uu Sharcigu tilmaamayo uu kaga dagayo Madaxtinimadda.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Doorshaa nalagu doortay, waxaanu ku nimid qaab Doorasho oo Sharci ah qaab Sharci ah baanu kaga baxaynaa INSHA ALLAH. Inta ka horaysana waxaanu u shaqaynaynaa Umadda iyo Dalka, waxaanu codsanaynaa in Umadda iyo Dalku na aaminaan Kalsooni badana na siisaan, anaguna waanu aaminsan-nahay, waxaanu balan-qaadaynaa in wax aanu kala hadhaynaa Umaddayadda aanay jirin-doonin”



Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaas ku daray “Wixii aanu u qaban-karno aanu qabananayno , hadday tahay Waddooyinka iyo hadday tahay Horumarka Dalka intii aanu hadda qabanay waa wax la wadda og-yahay weeyaan dhinac kasta oo ay tahayba inta ka hadhayna waanu kordhin-doonaa waanan ka sii badani-doonaa INSHA ALLAH. Waxaynu rajaynaynaa in aynu meel uga soo wadda-jeesano wixii xumaan iyo dhibaato wadda aynu iska leexino oo iska fogayno”
 
 
https://i0.wp.com/www.somalilandnation.net/wp-content/uploads/2014/11/DSC_0429.jpg?resize=474%2C316
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.