Xildhibaanadda Ka Soo Hor-jeedda Mooshinka Raysal-wasaaraha Somalia Oo Soo-saaray Bayaan Xambaarsan Tallooyin

Muqdisho (Berbera news) Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinkii dhawaan laga keenay ra’iisul waasaraha ayaa soo saaray bayaan afar qodob ka kooban oo ay uga hadleen xaaladda taagan iyo saamaynta uu ku yeeshay mooshinka hay’adaha dowladda, sida amniga iyo siyaasadda.



Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo xubnaha kulanka yeeshay ka mid ah ayaa saxaafadda u akhriyay bayaanka, isagoo tilmaamay in baaqan ay soo saareen kaddib markii ay yeesheen kulan ay kaga arrin sanayeen xaaladda ay Somaliya ku sugan tahay iyo sida loo badbaadin karo Somaliya.
 
 
Qodobbada bayaanka ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxaa ka mid ahaa:
 
1. In xaaladda dalka ee dhinaca siyaasaddu ay tahay mid cakiran, taasna ay sabab u tahay mooshinka sharci-darrada ah ee xukuumadda laga keenay.
 
 
2. In xukuumadda hawshii loo idmaday ay dardar-galiso, lagana daayo faro-gelinta lagu hayo.
 
3. Baarlamaanka waxa horyaalla kal-fadhigga shanaad shaqo culus oo ah in la meel-mariyo hindise sharciyeedyo, lana dhiso guddiga madaxa banaan ee lagu xaqiijin lahaa hiigsiga 2016-ka, taas oo lagu gaadhi-karo wada-shaqayn iyo is-faham dhex-mara xukuumadda iyo baarlamaanka.
 
 
4. Ugu dambeyn, halku-dhiggeenu waa badbaadinta Qaranka, ilaalinta dastuurka KMG ah iyo himillada ummadda xaqiijintooda.
 
 
 
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaannadan ayaa waxay laba jeer is hor-taageen kulamo uu baarlamaanka Soomaaliya kaga doodi lahaa mooshinka laga keenay Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana kulankii ugu dambeeyay oo shalay ahaa ay gudaha baarlamaanka ka qaadeen heesta astaanka Calanka Somaliya, taas oo sababtay in kulanku uu qabsoomi waayo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.