Guddoomiye Cirro Oo La Iska-hortaagay Inuu Xabsiga Ku Booqdo Xoghayaha Golaha Wakiiladda

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga hor-istaagay inuu Xabsiga ku booqdo Xoghayaha Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo Todobaadkii hore ay Ciidamadda Amaanku Xabsiga u taxaabeen.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan si adag u cambaaraynayaa Xadhigii Xoghayaha Golaha wakiilada oo aan waaran qabasho loo keenin, oo ay ahayd in marka la qabanayo la soo Ogaysiiyo Golaha wakiilada iyo Gudoomiyahaba, ilaa haddana aan la soo Ogaysiin Golaha sababta loo xidhay” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
 
 
 
Guddoomiye Cirro waxa uu intaas ku daray “Waxaan isku dayay inaan Bookhdo Xoghayaha guud,haseyeeshee Ciidanka Saldhiga dhexe, waxay diideen inaan bookhdo anigoo ah gudoomiyihii Golaha wakiilada.waxa kale oo inay bookhdaan loo diiday Xaaskiisii iyo Eheladiisii,in cuntada loo geeyana waa loo diiday,markaa falkaasna si adag baan u cambaaraynayaa, dariiqa loo qabtayna maaha mid sharciga waafaqsan,Taliyaha Booliskana intaas waan garaacayay oo igama qaban” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.