“Mooshinka Baarlamaanka, Dariqii Sharciga Ahaa Ee Loo Mari-jiray Ha Loo Marao” Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo ka mid ah Madasha Wadatashiga Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadlay muranka Golaha wakiilada Somaliland,waxaanu sheegay inaanu wali fahmin in Mudaneyaasha xilka ka qaadaya Gudoomiye Cirro ka baxeen heshiis hore Guurtidu u dhex dhigtay iyo inkale, balse ay u muuqato inay heshiiskaas ka baxeen.
 
 
 
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir,waxa uu ku taliyay in Umadda Somaliland qaranimada iyo dimuqraadiyada u hogaansato ama qabiilka iyo in wax walba guurti iyo geed hoostii lagu dhameeyo la isku raaco “Anigu waxaan leeyahay Umadda Somaliland laba aan kala doorano,bal ama Nidaamkeenii hore ee qabiiliga ahaa ku noqono,oo Dhexdhexaadin iyo guurti iyo geed hoostii iyo Gar aan ku noqono oo dariiqaa raacno xumaan iyo khasaare waxay leedahayba, Bal ama aan Dimuqraadiyada iyo Cod lagu kala baxo aan samayno” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
 
 
 
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anigu waxaan ku talin lahaa,waar Guddoomiyaha haddii la doonayo in la rido,Nimanka doonaya inay ridaan Xaq bay u leeyihiin.siday ku ridayaanse ha noqoto si dimuqraadi ah.Mooshinka ha keeneen Baarlamaanka,dariiqii mooshinku mari jiray ha maro,Sharciyadii la marin jiray hala mariyo dabadeedna farta ha loo taago oo cod ha lagu kala baxo,sidaas weeye Dimuqraadiyada oo murana ma yimaado isqabsina ma yimaado”
 
 
 
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Waxa uu sheegay inaanay buuqa iyo dhibka ka dhasha Muranka wakiiladu istaahil ahayn “Waar ama Dimuqraadiyada aynu ku shaqayno ama Xeer beeleedkeenii aan iskaga noqono.waxan oo kale inay soo noqnoqdaan istaahil maaha, dad baa ku dhintay, dad baa ku dhaawacmay, Xildhibaanaa lagu xidhxidhay, dadkale ayaa lagu xidhxidhay markaa istaahil nooma aha in Murankiinaas waxaas oo dhib ahi nagu soo gaadho.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.