Raysal-wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Codsigii Is-casilaadda Ahaa Ee Ay Wasiiraddu Ugu Baaqeen

Muqdisho (Berbera news)Iyadoo wasiirro ka tirsan xukuumadda ay sheegeen inay ra’iisul wasaaraha u gudbiyeen qoraal ay ku dalbanayeen inuu xilka isaga dago, ayuu ra’iisul wasaaruhu jawaab ka bixiyay, wuxuuna qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay in warqaddaas aysan xafiiskiisa soo gaarin.
 
 
 
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sh. Axmed ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in wasiir ka tirsan xukuumadda uu sheego in 14 wasiir ay ra’iisul wasaaraha codsi ah inuu is-casilo u gudbiyeen, wuxuuna xusay in wasiirrada xukuuumadda laga doonayo inay howlahooda u gutaan si waafaqsan dastuurka dalka.
 
 
 
War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu xusay in markuu ra’iisul wasaaruhu arkay qodobka 97-aad ee dastuurka Somalia – faqradihiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad. Markuu arkay qodobka 100-aad ee dastuurka farqradihiisa (a) iyo (b), markuu tixgeliyey waqtiga adag ee uu dalku marayo, wuxuu go’aamiyay:
 
 
1. In xubnaha golaha wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay howlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana aanay qayb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dadaalka xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016-ka.
 
 
2. Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxada dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana uusan aqbali doonin wax Alla iyo wixii ka horjeeda dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dowladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.
 
 
3. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu dib ugu xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in uusan ka leexan doonin wadada sharciga ah, wuxuuna uga mahad-celinayaa dadweynaha, xildhibaannada iyo guud ahaan shacabka taageerada siiyay xukuumadda iyo hoggaankiisa.
 
 
4. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta dalka iyo dowladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.
 
 
5. Ra’iisal wasaaruhu wuxuu soo dhoweynayaa dadaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo.
 
 
Ugu danbayn, ra’iisul wasaaraha ayaa mar labaad ku adkeeyey xubnaha golaha wasiirada in howl maalmeedka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed si habsami ah u gutaan si dalka loo gaarsiiyo himilada 2016-ka.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.