Suldaan Mohamed Abdilqaadir aamuska ayuu ku fiicanyay by Abdi_Mustafe‏

Sidee baa loo aamusiin karaa Suladan Mohamed Abdilqadir oo markuu afka kala qaadaba suldadan faca weyn wax yeelo u geysta. Salaxlay maanta wuxuu Silaanyo ku akhriyay dadkii fadhiyey daayoo Silaanyo ayaa yaabay. Waxyaabaha uu suldaan Mohamaed ku hadlay waxa ka mid ahaa oo uu Silaanyo shir kaga yidhi anaa kuu haya in mudada laguu kordhiyo. Silaanyaa yaabay oo hoos uugu qoslay. Wuxuu ku cel-celiyey si duurxula dadkii mudaharaaday ee dhimashada iyo dhaawacu gaadhay. Suldaanka aamuska ayaa u qaaliban ee waan loo taag heleyn.
Waxaas oo dhanna wuxuu u samaynayaa waa dhuuni raac uu Silaanyo shaxaad kaga doonaayo. Mohamed wuxuu ahaa ninkii ka qeyb galay shirkii Carta ee Mohamed ibrahim Egal na Airportka markuu ka soo degay xidhay ee uu jailka liinta ku cabay. Ku fogaan maayo ee Suldaan mohamed Abilqadir sidan ha u dhaamo suldada uugu da’da weyn ee uu siisanayo shilimada. Dawadiisu waa isaga oo aamusa si dadku u tuhmo. Suldaan nimadu wey la kulantay uun ee wuxuu ahaa nin balwadiisu fara badantay oo bowsara.
Suldaanow aamuskaa kuu qaaliban walee.