Afar qof oo Israa’iiliyiin ah oo la dilay

BBC-Falastiiniyiin ku hubaysan bastoolado, mindiyo iyo faasas ayaa dilay ugu yaraan afar qof oo joogay goob ay ku cibaadaystaan Yuhuudu. Dad kale oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Labadaasi qof ee weerarka soo qaaday waxaa loo malaynayaa in ay yihiin labo qof oo qaraabo ah oo ka yimid dhulka la haysto ee Bariga Qudus, waxaana toogasho ku dilay booliiska Israa’iil.

Waa weerarkii ugu xumaa ee magaaladaasi ka dhaca mudo sanado ah wuxuuna daba socdaa todobaadyo ay xiisado kataagnaayeen isticmaalka masaajidka Al-Aqsa oo Israa’iiliyiintuna ay u yaqaanaan Temple Mount Halkaas oo ay qadariyaan Muslimiinta iyo Yuhuuduba.

isr

Rai’sal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, waxa uu sheegay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerarkaasi. Waxaa uu sheegay in kicinta weerarkaasi ay Masuul ka yihiin Dagaalyahanada Xamaas iyo Madaxwaynaha Isra’il Maxamuud Cabaas.

Balse Maxamuud Cabaas wuu cambaareeyay weerarkaasi.