Madaxweyne Silaanyo : Safarkii Balligubadle

Balli-gubadle(Berberanews):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Masuuliyiin kale, ayaa maanta Socdaal ku tegay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd iyo qaybo, isla markaana waxa uu xadhigga ka Jaray qayb ka mid ah Waddada laamayda ah ee isku xidhaysa Balligubadle iyo Hargaysa.

balligubadle

Madaxweynaha oo si diirran isaga iyo Weftigiisa loogu soo dhaweeyey Balli-gubadle iyo deegaannada ka sokeeya ee uu sii marayey intii uu ku sii socday magaaladaas, ayaa furay dhismaha laga hirgeliyey jidkaas, waxaanu la hadlay dadweynaha soo dhaweeyey iyo muhiimadda jidka uu furay.

Muuqaalka Warkan oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho Wacan:-