Shirka caalamiga ah ee Soomaalida oo ka furmay Copenhagen

Shirka caalamiga ah ee Soomaalida ayaa ka furmay Copenhagen, waxaan dadkii ka hadlay ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Shirka ayaa waxa uu socon doonaa maanta iyo barri oo khamiis ah.

Waxaana diiradda lagu saarayaa wixii horumar ah ee laga gaaray arrimaha amaanka, hirgalinta hanaanka federalka iyo qorshaha dalka ee doorashada lagu wado in ay dhacdo sanadka 2016.

shirka

Balse shirkan ayaa ku soo beegmay wakhti loolanka awooda ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaliya uu dalku galiyey jah-wareer siyaasadeed.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay inaysan ka qeybgaleynin shirkaasi, taas oo ay sabab uga dhigtay marka hore in la xalliyo khilaafka u dhaxeeya labada masuul..