Somaliland oo farriin u kala dirtay bulshada caalamka

Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa beesha caalamka iyo dadka muwaaddiniinta ah u dammaanad qaadday in aannu khilaafka Golaha Wakiilladu wax saamayn ah ku yeelan doonin in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtiga loo muddeeyey ee sannadka 2015.

Warsaxaafadeed luqadda Ingiriiska ku qoran oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda shalay, ayaa lagu caddeeyey in Golaha Guurtidu gacanta ku hayso sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka Wakiillada, kaasoo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin ammaanka iyo xasilloonida Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland waxay ku kalsoon tahay in dhexdhexaadinta Golaha Guurtida ay ka dhalan doonto natiijo ah in heshiis siyaasadeed lagu dhammeeyo khilaafka Wakiillada si meesha looga saaro waxyaabaha salka u ah kala qaybsanaanta mudanayaasha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis waxa uu u dammaanad qaadayaa beesha caalamka in dalka Somaliland dhaqan iyo caado u leeyahay, rinkoodh fiicanna uga yaal in wadahadal iyo isku tanaasul hannaan nabadeed ku salaysan lagu xalliyo khilaafyada dhasha, hawshaas dhexdhexaadinta ah oo ay inta badan gacan ka geystaan Golaha Guurtidu.wasiir biixi

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu cambaaraynayaa rabshadaha sababay dhacdooyinkii masiibada ahaa ee ka dhacay Burco (Sabtidii), waxaannu ku rajo weyn yahay in xal lagu wada qanco laga gaadhi doono khilaafka Golaha Wakiillada maalmaha soo socda, waxayna xukuumadda Somaliland u dammaanad qaadaysaa muwaaddiniinteeda iyo beesha caalamka in aannu khilaafka Golaha Wakiilladu minjo-xaabin doonin nabadgelyada iyo xasilloonida qaranku ku gaadhay shaqo aday iyo dedaal xooggan, si adagna loo ilaaliyo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxa kaloo Wasaaradda Khaarajigu tilmaantay in dawlad ahaan ay aad uga xun yihiin khasaaraha ka dhashay mudaharaad ka dhacay magaalada Burco maalintii Sabtida ee toddobaadkan, “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland way ka xuntahay, wayna ka soo horjeeda rabshadaha iyo dhacdooyinkii murugada lahaa ee magaalada Burco ka dhacay 15 November, kadib markii ay isku dhaceen booliska iyo mudaharaadayaal, kaasoo ay sababeen xiisadda ka dhex taagan dhinacyada isku haya Golaha Wakiillada Somaliland, khilaafkaasoo in muddo ah taagnaa, sababayna mudaharaad ka dhaca Burco iyo Ceerigaabo.

Golaha Guurtida ayaa farogelin ku sameeyey khilaafka si ay xal uga gaadhaan, iyadoo marka loo eego khibrada Guurtidu u leedahay arrintan aannu aad ugu rajo weynahay inay dhexdhexaadiyaan, xalna ka gaadhaan khilaafka u dhexeeya Golaha Wakiillada.”

“Waxa Madaxweynaha Somaliland xasuusiyey mudanayaasha Golaha Wakiillada inay gutaan masuuliyadda ay ummadda u hayaan, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay qabsadaan waajibaadkooda shaqo ee sharci-dejineed, shaqadoodana ka qabsadaan xeerarka loo gudbiyey ee la xidhiidha ammaanka, doorashooyinka, miisaaniyadda 2015 iyo ansixinta xubnaha Komishanka Doorashooyinka, waxaannu madaxweynuhu ku celiyey in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in la qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee u muddaysan sannadka 2015, isla markaana aanay kala qaybsanaanta mudanayaasha Golaha Wakiillada ka dhex jirtaa noqon doonin mid looga tannaasulo hannaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland.