Suxufi lagu dilay magaalada Gaalkacayo

Gaalkacyo(Berberanews):-Weriye Cabdirasaaq Cali Cabdi Silver oo ka tirsanaa Telefishinka Horn Cable iyo Radio Daljir, ayaa caawa cawayskii magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug lagu diley.

Weriyahan oo ka mid ahaa kuwa ugu caansan Puntland gaar ahaan gobolka Mudug waxaa sida dad goob-joogeyaal ahi sheegeen Salaaddii Cishaha ee caawa ka dib Madaxa dhawr xabbadood kaga dhufteen laba nin oo dhallinyaro ah oo Baaskoolado ku hubeysnaa sida ay goob-joogayaashu Saxaafadda u sheegeen.

Goobta dilku ka dhacay oo ah badhtamaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan halka loo yaqaanno Xero Daraawiish, waxaa daqiiqado ka dib soo gaadhey Ciidammada Booliska Maamul-goboleedka Puntland oo qaybta Waqooyiga Gaalkacyo ka taliya ama maamula.

Weriye Cabdirsaaq-Silver oo hore uga soo shaqeeyey Idaacadaha Codka Nabadda iyo Radio Gaalkacayo wuxuu ifka kaga tegey laba Carruur ah iyo Hal Xaas. Waxaana dilkiisa Cambaareeyey Ururrada Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo ku baaqay in Gacan-ku-dhiiglayaasha falkaas dilka ah ku fuliyey Weriyaha la soo qabto, Sharciga iyo Caddaaladdana la hor-keeno.

suxufi

Saddexdii sano ee ugu dambeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley Shan Weriye oo Allaah ha u naxariistee uu Cabdirisaaq Cali Silver ka mid yahay, kuwaasoo saddex ka mid ahina ka tirsanaayeen shaqaalaha Radio Daljir.