Wasiirro ku dhawaaqay inay ka sharraxanyihiin Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ee xukuumadda Somaliland – Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shaaciyey inay yihiin murrashaxiin ka qaybgali doona tartanka jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa marka Madaxweyne Siilaanyo dhammaysto labadiisa xilli madaxtinimo oo noqonaysa muddo shan sanno iyo dheeraad ka hadhsan tahay.

Samaale-Iyo-Yoonis

Wasiirradan oo hadallo ka jeediyey xaflad qado ay ku casuumeen madaxdhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee beesha ka soo jeedaan oo ka dhacay huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa sheegay in aanay marnaba kula tartamayn Madaxweyne Siilaanyo xisbiga dhexdiisa, isla markaana laga baahiyey warar been abuur ah, iyagoo dadkii kulanka ka qaybgalay ku guubaabiyey taageerada Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.

Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kulankaasi ka hadlay, ayaa xusay inay ka go’antahay dhismaha Madaxweyne Siilaanyo ee doorashada soo socota, waxaannu yidhi, “Waxaynu maanta (shalay) isugu nimi in haddii warar been ahi suuqa yaalaan murrashaxa xisbiga KULMIYE ee talada dalka hayaa waa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagaanu hore u soo dhisnay, iminkana dhisaynaa, isagaanu dabataagannahay, barbar taaganahay oo dhammaanteen hiil iyo hooba horena ugu soo huray iminkana u barbartaagnaanaynaa. Waynu iskaashanaynaa, hore waynu u guulaysanay, kuwa dambena waynu ku guulaysanaynaa Isha Allaahu. Waxyaabaha suuqa laga sheegayo ee aan fagaaraha laga odhanayn ee Ibriiqa lagu adimayo ah waxba kama jiraan.”

“Annagu haddaannu wasiirradii xukuumadda nahay hore waanu u caddaynay iminkana waanu ku celinaynaa inaan hunguri naga hayn kursiga Madaxweynuhu ku fadhiyo inta uu ku fadhiyo, waxaannuse caddaynaynaa isaga dabadii han baanu leenahay, waanuna tartamaynaa, taas cidda diidan ama tartanka noocaas ah gali karayni saaxadda inay bannayso weeye,” ayuu yidhi Md. Samaale

Waxa kale oo Wasiir Samaale ka digay shirar cidda wada aannu caddayn oo uu ku tilmaamay kuwo lagu burburinayo reerka uu ka soo jeedo, isagoo ku dooday in isaga iyo Wasiir Arrimaha Dibadduba ay sifo xalaal ah ku tartami doonaan shan sanno kadib, “Midnimada Somaliland iyo midnimada reerka in la ilaaliyo weeye oo qofka wax doonayaa uu ku doono waddo sax ah oo wanaagsan, hubaal waxa ah inuu damac jiro, Ilaahaybaana wax bixiya oo kursigu samada ayuu ka qoranyahay ee qofka qaybta Ilaahay ku qanciwaayaa waa nasiib-darro. Waxaad ogtihiin maalmihii u dambeeyey iyo toddobaadyadii u dambeeyey waxa socday shirar doceedyo, runtu siday tahayna shirar doceedyadaasi reerka way burburinayaan, qofku waddadii xalaasha ahayd wuxuu ku heli lahaa wuxuu ku doonayaa waddo xaaraan ah, markaa waxaannu leenahay waddada xalaasha ah wax lagu doono, aniga iyo walaalkay Maxamed Biixi iyo inta kale ee nala midka ahiba waddada xalaasha ah ayaanu wax ku doonaynaa, Axmed (Madaxweynaha) dabadiina waanu tartamaynaa,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey, ayaa ka warramay waxqabadka xukuumadda iyo ka midho-dhalinta qaddiyadda Somaliland, isagoo ugu baaqay mucaaradka iyo muxaafadkaba in gacmaha la isku qabsado horumarka dalka.

“Waxaynu halkan isugu nimi in aynu gacmaha is wada qabsanno oo dawladdaa maanta dhisan aynu wada adkaysanno, madaxweynaheenna taageerno, dalkeenna midayno oo meel uga soo wada jeedsanno qaddiyadda Somaliland iyo ictiraaf raadinteeda, horumarkeeda, nabaddeeda iyo dimuqraadiyaddeeda,” ayuu si kooban u yidhi Wasiir Biixi oo ka hadlayey ujeeddada kulanka ay beeshooda u qabteen.