Wargeyska Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa la wadaagayaa qisadan oo ay ku duugan tahay xikmad muujinaysa qiimaha hooyadu leedahay: “Beri hore waxaa jiri jiray geed tufaax ah oo aad u baaxad weyn, midhahana hodan ku ah. Waxaa isna jiri jiray wiil yar oo geedkan ku ciyaara laamihiisana kora, inankan yari marka uu ka daalo ku ciyaarista geedkan ee uu dareemo gaajo, midhaha bislaaday ee geedkan tufaaxa ah ayuu si xorriyad ah oo aanay cidi ku xakamayn u cuni jiray. Inta badan marka uu ciyaarta ka daalo tufaaxana ka dhergo hurdo ayaa qaban jirtay, kadib waxa uu seexan jiray hadhka geedkan hadhaca ah. Geedkan tufaaxa ahi marnaba kama daali jirin dhibna uma arki jirin ciyaarta inankan yar, balse waabu ku farxi jiray mar kasta oo uu ku ciyaaro. Muddo ayaa ka soo wareegtay, inankii yaraana waxa uu gaadhay da’ aanu ku ciyaari karin geedkan.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa uu inankani u yimi geedkii uu muddada ka haajiray oo aad u murugaysan. Isla markii uu geedkii arkay inta uu farxad muujiyey ayuu ku yidhi, “Kaalay igu ciyaar” inankii ayaa ugu jawaabay: “Hadda carruur ma’ihi oo kuguma ciyaari karo, ciyaari iima hadhin ee waxa aan u baahanay maal aan noloshayda ku suuro geliyo” Geedkii inta uu mar kale murugooday ayuu inankii ku yidhi, “Ma hayo lacag oo ma’ awoodo in aan xoogsado lacag, laakiin waxa aan kuu hibaynayaa midhaha dushayda ka buuxa. Guro oo ka iibi suuqyada si aad lacag u soo kasbato” inankii aad ayaa uu ugu farxay fikirkan oo isaga marka hore ka maqnaa, si deg-deg ah inta uu midhihii oo dhan u gurtay ayaanu u iib geeyey suuqa, lacagtii uga soo baxday oo aad ubadatayna waxa uu ka dhigtay raasamaal uu ku shaqaysto, danihiisa ayaanu ku fushaday isaga oo aan dib u soo eegin bal in uu geedkii wax uun u baahan yahay” Geedkii muddo dambe oo murugo ah ayuu galay markii uu dib u arki waayey inankan yar ee uu kol-koolin jiray.
Beri dambe ayuu inankii oo nin da’ dhexe ahi ku soo noqday geedkii.. isla markii uu geedkii arkayba farxad ayaa ka soo daahirtay, waxa aanu ku bilaabay ereygii caadada u ahaa ee, “Kaalay ii wehel yeel.. kaalay ila ciyaar aan dhibta nolosha kaa maaweeliyo ee!!” Inankii ayaa geedkii ugu jawaabay, “Waan dhaafay da’dii ciyaarta, waxa aan noqday nin qoys dhisan oo ubad uu dhalay ka masuul ah. Waxa aan u baahanay guri aan hoy uga dhigo qoyskayga.
Arrintaas ma iga caawin kartaa” geedkii ayaa ugu jawaabay: “Aad ayaan uga xumahay, guri kuuma dhisi karo, laakiin waxa aan kuu hibaynayaa dhammaan laamahayga si aad uga dhigato sarab iyo qoryo aad guri ku dhisato…” Ninkii laamihii ayuu geedkii ka murxiyey waxa aanu ka dhistay hoy aad u anfacay, isaga oo faraxsan ayaanu ka tegey geedkii. Muddo dheer ayaanu dib ugu soo noqon geedkiina ka murugaysnaa maqnaanshiyihiisa balse aanu isagu dhaadin. Maalin jawigu aad u kulul yahay ayuu ninkii mar kale soo maray geedkii. Isla markii uu geedkii ninkan arkay sidii caadada u ahayd ayuu aad u farxay waxa aanu ku yidhi ereygii lagu yaqaannay ee ahaa, ” Kaalay ii wehel yeel.. kaalay ila ciyaar aan dhibta nolosha kaa maaweeliyo ee” ninkii ayaa ku jawaabay, “Ciyaar iyo maaweelo diyaar uma ihi, aad ayaan u daalanahay, da’ ayaana i daba jabsanaysa, waxa aan doonayaa in aan meel uun uga dabbaasho dhibta nolosha ee taagan, ma i siin kartaa doon aan kaga dabbaasho waayaha nolosha” Geedkii ayaa ku jawaabay, ma haysto adduun aan doon kuugu iibiyo, kadib inta uu cabbaar aamusay ayuu yidhi, “Laakiin waxa aan ku siin karaa inaad goosato jirridayda si aad uga dhigato dooni aad ku dabbaalato. Ninkii inta uu farxay ayuu geedkii ka goostay jirriddii, waxa aanu ka dhigtay dooni. Uu safar dheer ku galay. Muddo ayuu ninkii ku maqnaa geedkii oo gunta hoose oo qudhi ka hadhayna uu murugada aragti la’aantiisa la joogay.
Sannado badan kadib ayuu ninkii ku soo noqday. Isla markii uu geedku arkay ninkanba waxa uu ku yidhi, “Waan ka xumahay inankaygii aan jeclaayaw, hadda ma lihi, midho Tufaax oo aan gaajada kaa siiyo, Ninkii ayaa ugu jawaabay, haddii aad hayn lahaydna ma aan cuneen oo ilkaba uma hayo. Geedkii ayaa yidhi, Ma lihi jirrid aad fanato iyo laamo aad ku fadhiisato. Ninkii ayaa yidhi, waxba iima ay tareen, da’ ayaa i biyo dhigatay oo awood aan ku fuuloba ma hayo, awood dambe oo aan wax ku qabtaa iguma hadhi, wax aan qaban karaana ma jiro, cid wax i siinaysana ma hayo ee maxaad I tari kartaa. Geedkii ayaa ku yidhi ninkii, “Waan ka xumahay maanta wax aan ku tari karo oo aad ii hambaysay ma hadhin” Isaga oo ooyaya ayuu geedkii sii watay hadalkiisii, “Waxa keliya ee igu hadhay waa xidid dhintay” Ninkii ayaa inta uu dhankii geedka u soo luuday waxa uu yidhi, “Waxa aan doonayaaba waa keliya meel aan ku nasto.. aad ayaan u daalanay” Geedkii ayaa ugu jawaabay, “Waa halka ugu habboon ee uu qof ku nasan karo ee ku soo dhowoow, kaalay ii weheli” Ninkii oo daalan ayaa fadhiistay xididkii geedkan tufaaxa ah oo farxad la ilmaynaya. Haddaba akhriste, Haddii aanad fahmin geedkan, waxa looga jeeda hooyada iyo marxaladaha ay la soo marto korinta ubadka iyo sida aanay ilmaheeda yari iyo weyniba waxba ugala bakhaylin.