Guddoomiyihii Ururka JIIDAALI Oo Weli Sharci-darro Ugu Xidhan Xabsiga Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Ururka Dhalinyaradda Subeerl Awal ee JIIDALI Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo Todobaadkii hore ay Ciidamadda Amaanku Xabsiga u taxaabeen ayaa weli ku xidhan Saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa, kaas oo aan ilaa hadda wax dambe ah lagu soo ogin, iyadda oo ilaa haddana aan la hor-geyn Maxkamadd lagu soo bandhigo eedaha loo haysto.
 
 
 
 
 
Cabdiraxmaan Aadan ayaa Todobaadkii hore la oo xidhay, kaas oo Ciidamaddii wakhtigaasi xidhay aanay sidan Waaran Maxkamadeed oo Sharciyaynaya Xadhigiisa, iyadda oo xogo kala duwan oo ay Berbera news heshay ay sheegeen in Xadhigiisa ay ka dambeeyaan Xubno Xukuumadda ka tirsan oo ka soo jeeda Deegaanadda ay degto Beesha Subeer Awal, kuwaas oo canaan kala kulmay Madaxtooyadda, isla-markaana awoodi-kari waayay inay carqaladeeyeen afkaarta Siyaasadeedd ee Ururka JIDAALI ay Bulshadda ay ka soo jeedaan iyo Dhalinyaradda u soo bandhigaan, waxaana xadhigiisa laga cambaareeyey degaano badan oo Dalka ka mid ah oo Xukuumadda loogu baaqay inay Xoriyaddiisa u soo celiso, iyadda oo xadhigiisa lagu tilmaamay mid aa Sharci-ahayn.
 
 
 
 
 
Ururka JIDAALI ayaa badhtamihi Sanadkan lagaga dhawaaqay Magaaladda Hargeysa, iyadda oo xiligii lagu dhawaaqay ay Xukuumaddu sas ka qaaday aasaskiisa, waxaanaya adeegsatay Qorshe kasta oo ay u arkayso inay ku carqaladaynayso, waxaanu Ururku kasbadday Kalsoonidda Dhalinayaradda Deegaanadda Saaxil, Maroodi-jeex, Togdheer, Gabiley iyo Deegaano kala oo Dalka ka mid ah.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.