Hargeysa: Dadweynaha Ku Dhaqan Xaafadda Line-ka Booliska Oo Gadoodad Sameeyay Iyo Khasaare Gaadhay Dhismaha Dahabshiil

Hargeysa (Berbera news) Dadweynahan oo ah kuwa ku dhaqan Xaafadda Linke Booliska ee Magaaladda Hargeysa ayaa ka gadooday amar ah inay ka guuraan Xaafadaasi ay degan-yihiin, kaas oo la sheegay in Xukuumaddu siisay Ganacsade, waxaanay khasaare gaadhsiiyeen dhimaha Dabaqa ah ee Shirkadda Dahabshiil ay ka hir-galisay Linke Booliska.
 
 
 
 
 
Warku waxa uu intaas ku darayaa in Ciidamo RRU ahi ay goobta rabshadu ka dhacday ay gaadheen si ay uga hor-tagaan gadoodkan ay Dadweynahani sameeyeen, waxaanay arrintaasi keentay inay isku dhacaan Ciidamadda iyo Dadkii gadoodadka cabashadda ah qabay oo qaarkood la sheegay in la xidhay.
 
 
 
 
Dhismahan ay dadkani khasaaraha gaadhsiiyeen oo ah ka ugu weyn dhismayaasha shirkada Dahabshiil ku leedahay Magaaladda Hargeysa ayaa waxaa ku yaala Xarumo Gacansi iyo Baanka Dahabshiil,waxa kale oo dhismahan qaybihiisa sare ku yaala Meherado loogu-tallo galay Ganacsi.
 
 
 
Dhinaca kale dadkan gadooday ee khasaaraha gaadhiisyay dhismahan Dahabshiil ayaa la sheegay inay ku doodayaan in Guryaha ay degan-yihiin ee Xaafadda Linke Booliska laga iibiyay Mulkiilaha Shidkadda Dahabshiil, waxaanay arrintaasi dhalisay inay Maanta gadoodkaasi sameeyeen.
 
 
 
 
Xukuumadda Siilaanyo ayaa hore Ganacsato uga iibisay Dhul ay Shacab dan-yar ahi degenaayeen, halka ay kuwa kalena ka rartay, taas oo uu ka dhashay khasaare kala duwani, iyadda oo dhawaana ay Xukuumaddu Ganacsadaha Al-Xarbi ka iibisay dhismaha Maktabada Akhriska ee Gandi oo ay ka dhasheen muran dhex-maray Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda, iyadda oo markii ay Xukuumaddu ku adkaatay in aanay suurto-gal ahayn iibka Gandi ay dhul kale ugu badashay AL-Xarbi.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.