Jawaari Oo Soo Jeediyay In Khilaafka U Dhexeeya Madaxda Somalia Loo Daayo Baarlamaanka

Muqdisho (Berbera news) Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaan ahaan loo daayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Raysal-wasaare Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed, waxaanu xusay in dhawaan la soo afjari-doono khilaafkaasi.
 
 
 
 
Jawaari ayaa hadalka ka sheegay kulan uu la qaatay Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Siyaasiyiin , isaga oo tilmaamay in dhawaan uu la kulmi doono Guddiyo ka kala socda labada Garab ee Baarlamaanka, kuwas oo mid diidan yahay Mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaaraha iyo Garabkii keenay Mooshinka si loo mideeyo kala-aragti-duwanaanta u dhaxaysa labada Garab ee Baarlamaanka.
 
 
 
 
“Waxaan qabaa in xallinta khilaafka madaxda dalka loo daayo Baarlamaanka, sidaad la socotaa waxa uu hore u xalliyay khilaaf noocan oo kale ah, haddana xallinta Khilaafkan waan ku gudo-jirnaa. Waxaanan la kulmi-doonaa labada Garab ee Xildhibaannada ah, waana dhamaynaynaa arrintan” ayuu yidhi Jawaari.
 
 
 
Guddoomiyaha Bbaarlamaanku waxa uu intaas ku daray in Beesha Caalamka ay Ra’yi ku darsan karaan arrimaha taagan, balse aan loo baahnayn inay fara-gelin ku sameeyaan, waxaanu xusay in Baarlamaanka uu awood u leeyahay inuu xalliyo khliaafka madaxda dalka u dhexeeya.
Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyaha Somalia iyo Raysal-wasaarihiisa ayaa soo if-baxay dhawaan, kaddib markii labadan Masuul ay isku maan-dhaafeen isku-shaandhayn kooban oo lagu sameeyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.
 
 
 
 
Berbera news/Hareysa.