Xisbiga KULMIYE Oo Guurtidda Iyo Wakiiladda Ku Eedeeyay Inay Heshiis Ku Yihiin Dib U Dhaca Doorashadda

Hargeysa (Berbere news) Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Talada haya KULMIYE jaamac Shabeel ayaa Golaha Baarlamaanka Somaliland ku eedeeyay qaar ku hawlan Wakhti lumis iyo mudo kordhin la sameeyo si dib u dhac ugu yimado Doorashooyinka lagu wado inay Somaliland ka qabsoomaan sanadka soo socda.
 
 
 
 
 
Jaamac Shabeel oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Eedaymahaasi waa waxaan waxba ka jirin marka hore.Waxaanu diyaar u nahay in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo.doorashadan shaki badani nagagama jiro anaga oo waxaad dib u dhigtaa ama korodhsi ka fikirtaa marka ay cidi kugu daba tumayso laakiin anagu inaanu doorashada helayno haddii ay dhacdo boqolkiiba boqol waanu ku kalsoonay”
 
 
 
 
Jaamac Shabeel waxa uu intaas ku daray “Anaga oo helayna Shan sano oo dambe, maxaanu ku falaynaa laba sano oo korodhsiimo ah oo silcis ah, laakiin, Cilad kale ayaa meesha ku jirta, taas baanan doonayaa inaan caddeeyo, Qoladan Baarlamaanka la yidhaahdo waxay heshiis ku yihiin,labada Gole,Guddoomiyeyaashooda iyo kuli waxay heshiis ku yihiin Wakhti Lumis,Korodhsiimada halka laga wadaana waa halkaas, cida doonaysaana waa halkaas.Waxyaabaha lala yaabay waxaa ka mid ah, bal kuwan kale(Guurtida) iyagu doorashaba gali maayaane, Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo ah Gudoomiyaha Waddani oo leh tartanka ayaan galayaa wuxuu qayb ka yahay wakhti lumista iyo Jaahwareerka umadda la galinayo, waxaanan filayaa inuu Mudo korodhsiga isagu doonayo isagoo kursiga Baarlamaanka isagu sii jeclaysanayo” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wakhtiga ciday ahayd inay Ilaashato Guddoomiye Cirro ayay ahayd, illayn kuwan kale wakhti ka dhici maayee laakiin, way muuqataa inay shuraako ku yihiin wakhti luminta.imika waxay ina marinayaan Labadii Gole, Shirgudoonadoodii, Xubnahoodii inay shuraako ku yihiin wakhti lumis oo ay wadaan Xil ka xayuubin.haddii ay diyaar u yihiin Doorasho 5 Bilood baa haydhaba ee maxay ula jeedaan.Xeer baynu maraynaye halkaas baa la inala marayaa, haddii Guurtida iyo Wakiiladu aanay waxan Shuraako ku ahayn Guurtidu awood bay u leedahay inay siday doonayso ka dhigto xeerka,haddii si rasmi ah ay ugu celiyaan Golaha wakiiladana bari hore ayay dhamaan lahayd waxani” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
 
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka ayaa hore Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ugu eedeeyay inay qorshaynayaan dib u dhac ku yimaada Doorashadda lagu waddo inay Somaliland ka qabsoonto Sanadka 2015-ka, iyadda oo hadalkan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu imanayo xili uu taagan-yahay khilaafka Golaha Wakiiladdu oo Ergadda Golaha Guurtidda laga sugayo Go’aankii xal u noqon-lahaa Khilaafkaasi.
Halkan ka daawo.

Berbera news/Hargeysa.