Somaliland: Barnaamijka Badbaadinta Hooyada iyo dhallaanka

Hargeysa-(Berberanews)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa soo bandhigtay maanta Barnaamijka Badbaadinta Hooyada iyo dhallaanka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Waxaa Munaasibadda loo sameeyey furitaanka Barnaamijkan Wasiirka Caafimaadka ka sokow ka qaybgalay Marwada koowaad ee Madaxweynaha, Wasiirrada Qorshaynta Qaranka, Diinta iyo Aw-qaafta, Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday dawladda Somaliland iyo Hay’adaha caalamiga ah ee gacanta ka geystay hirgelintan Barnaamijkan.

Muuqaalka Bandhiggaa Barnaamijka Badbaadinta Dhallaanka iyo Hooyada ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland bilaabayso waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho Habboon:-