Wafti Ka Socda Midowga Yurub Oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qodobaddii Lagaga Hadlay + Sawirro

Hargeysa (Berbera news) Waftigan oo maanta safar ku yimid Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ka socday xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan la dagaalanka Budhacadbadeeda ee EUCAP Nestor ayaa Xarunta Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda.

 
Waftigan ka socday Midowga Yurub ayaa kala ahaa sidan:-

 
 
1.  The Delegation is led By Mika Markus LEINONEN (Finland) Representatives from EUCAP Nestor will also participate in the visit.
 
2. Robert Wank (AT)
 
3. Marie-Charlotte ANNEZ de TABOADA (BE)
 
4. Tim PRANGE (DE)
 
5.  Claus PLARUP WINTOP (DK)
 
6. Ekaterini VARVARIGOU (EL)
 
7.Miguel SANCHEZ GUERRERO (ES)
 
8. Thomas Guibert (FR)
 
9. Anne-Marie FLYNN (IE)
 
10.  Maurizio CANFORA (IT)
 
11. Nadia Mellina (LU)
 
12. Erik DE FEIJTER (NL)
 
13.  Hannah WOOD (UK)
 
14. Pekka Kristian MARTTILA (FI).
 

Mika Markus LEINONEN oo hogaaminayay Waftigan ayaa ujadda safarkoodan ku tilmaamay u xogoaal noqoshadda shaqadda waxaada la dagaalna Budhacbadeeda ee Midowga Yurubuga socoto Somaliland.

 
Waxaanu yidhi “Eucap ahaan waxaanu halkan u nimid in aanu indho-indhayno siday ay shaqadda Eucap uga socoto Somaliland, waxaanan sidoo kale u nimid inaanu tayaysiino Ciidamadda Ilaadda Xeebaha Somaliland.

 
Midwoga Yurub ayaa muddooyinkii u dambeeyay Somaliland kala shaqaynayay arrimaha xeebaha, gaar ahaan la dagaalanka Budhacabadeeda iyo Tobabaro ay siiyaan Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha iyo Diyaarinta Shuruucadda Baddaha, iyadda oo Sanadkan Somaliland laga furay Xafiiska Eucap.

 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
Berbera news/Hargeysa.