Denmark (Berbera news) Shirkii lagaga hadlayay Hiigsiga Cusub ee Somalia oo lagu qabtay magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah, iyadoo warmutiyeedkan oo ka koobnaa 24 qodob wuxuuna u qornaa sidan.
WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA COPENHAGEN:
1. Shir sannadeedkii ugu horeeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ayaa lagu qabtay magaalada Copenhagen inta u dhexeysay 19 iyo 20 November, waxaana wada-shirguddoomiyay Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay, waxaana martigelisay Dowladda Denmark.
2. Waxaa madasha shirka ku kulmay 56 wefdi (oo isugu jira dowlado iyo ururraba) si ay dib u eegid ugu sameeyaan wixii horumar ah ee la gaaray intii ka dambeysay Shirkii Brussels ee la qabtay bishii September 2013, halkaasoo lagu ansaxiyay Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, kuna garwaaqsadaan caqabadaha lala kulmay sannadka 2014, isku lana gartaan arrimaha mudnaanta leh ee loo baahanyahay in la qabto sannadka 2015.
3. Ansaxinta Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ayaa astaan u ahaa marxaladda cusub ee xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo bulshada caalamka. Heshiiska Hiigsiga Cusub wuxuu asaas u yahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku gaartay sidii lagu heli lahaa xasillooni iyo midnimo siyaasadeed oo ka hirgala Soomaaliya, iyadoo bulshada caalamkuna ay ka go’antahay inay ku taageeto Dowladda Soomaaliya go’aankaas.
4. Waxaynu soo dhoweynaynaa warbixinta ku saabsan horumarka laga gaaray Heshiiska Hiigsiga Cusub, oo ay ka midtahay warbixinta sannadlaha ah ee Hanaanka Gaarka ah ee Somaliland, taasoo noqoneysa raadraacii ugu horeeyay ee hirgelinta Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Waxaa sii wadi doonaa adeegsiga mabaadi’da Heshiiska Hiigsiga Cusub ee khuseeya dalalka jilacsan, oo ku saleysan isla xisaabtan hay’adaha Dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamka. Taasina waxay asaas u ah in qorsha horumarinta uu ahaado mid ay Soomaalidu leedahay, garwadeena ka tahay. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii waddo dadaalka ay ugu jirto sidii waxqabad loogu bedeli lahaa qorshaha Hiigsiga Cusub, oo ay si dhab ah uga qaybqaataan maamullada heer degmo iyo heer gobol.
5. Waxaynu ku nuuxnuuxsanaynaa in dadka Soomaaliyeed ay u baahay yihiin inay arkaan natiijooyin la taaban karo ee ka soo baxa qorsha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ee heerka degmo. Si arrintan loo taageero waxaa naga go’an inaan horumarino waxqabadka guddihoosaadyada Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda ee Hiigsiga, sidoo kalena aan u qoondeyno lacag u qaar ah mid kasta ee Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda ee Hiigsiga. Arrintan waxay sii xoojinaysaa xiriirka ka dhexeeya Dpwladda Dhexe iyo maamullad degaanada, si ay qayb uga qaadato horumar dheeraad ah. Waxaan garwaaqsanay in horumar laga gaaray Hanaanka Maalgelinta Hiigsiga Cusub oo ay ka midtahay sameynta Sanaadiiq Maaliyadeed oo wada maamulayaan qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, taasoo keentay in gargaarka soo xarooda oo kordhay. Waxaynu ka dhursugaynaa in la si dhaqsi ah loo sameeyo sanaadiqda maaliyadeed ee harsan oo ay maamuli doonaan Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka.
6. Waxaan garwaaqsanahay horumarka ballaaran ee la gaaray labadii sanno ee la soo dhaafay, oo ku aaddan sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo aad u xasilloon, nabad ah, barwaaqna ah. Waa inaan la luminin guulahan la gaaray iyo waddada wanaagsan ee ay Soomaaliya hadda ku taagantahay. Waxaan dareen ka muujinaynaa xasaradda siyaasadeed ee hadda jirta. Waxaan garowsanahay baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed iyo in mar kale la hanto lana dardar geliyo waxqabad degdeg ah. Waxaa hadda la joogaa waqtigii dowladda dhexdeeda laga heli lahaa siyaasad loo wada dhanyahay iyo ujeeddo lagu midaysanyahay. Si horey loogu socdo waxaan ugu baaqaynaa hogaanka siyaasadeed ee Soomaaliya inay midoobaan, ayna xaqiijiyaan sidii xasillooni lagu heli lahaa, taasoo aad muhim ugu ah hirgelinta Aragtida 2016.
7. Waxaan garwaaqsanaya horumarka laga gaaray geeddi-socodka dhisidda maamulgoboleedyada. Qaabdhismeedka dowlad-goboleedyada oo la shammeystiro sannadka 2015 wuxuu muhim u yahay dadaalka wadajirka ah ee an ugu jirno si ay nabad iyo xasilloni ugu soo noqdaan Soomaaliya. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay u hawlgalaan dadaallada aan soo sheegnay iyo arrimaha kale ee dibuheshiisiinta ah ee taageeraya sidii lagu hirgelin lahaa Aragtida 2016. Maamullada hadda jira, sida Puntland, Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba, Galmudug iyo maamullada kale ee sameysmaya ayaa si dhow loo la shaqeyn doonaa si loo hirgeliyo Aragtida 2016. Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray maamul ku-meelgar u sameynta Koonfur Galbeed iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya. Waxaan bogaadinaynaa dadaalka uu Urur-Goboleedka IGAD ku taageerayo maamul sameynta.
8. Waxaan garwaaqsanahay baahida loo qabo inuusan dhicin dib u dhac dambe ee ku saabsan hirgelinta qorshaha Aragtida 2016, waxaana mar kale ballanqaadaynaa sidii lagu gaari lahaa yoolka ah in sannadka 2016 la qabto doorashooyin dimuqraadi ah, loo wada dhanyahay, sharcina ah. Si loo gaaro arrintaasi, dowladdu waxay sameynaysaa Gole Wadatashi ee ka Dhexeeya Gobollada iyo hanaanka dib u eegidda dastuurkana waa in la dhammeystiraa. Saaxiibada beesha caalamka ee la hawlga waxay taageerayaan arrimaha maaliyadda, waxayna qiimeyn ku sameynayaan hanaanka doorashada. Waxaan soo dhoweyneynaa dhismaha Guddiga Madaxabanaan ee Dibueegidda iyo Implementation Dastuurka. Waxaa kaloo aan ku hanweynahay in la magacaabo xibnaha Guddiga Kormeerka. Waxaan ku baaqaynaa in si dhaqsi ah loo magacaabo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta. Waxaan soo dhoweynaynaa in dowladdu ay ka go’antahay inay raacdo jadwalka sharcidejinta ee hore loogu heshiiyay. Waxaana sidoo kale ku baaqaynaa in sharciga muhimka ah lagu ansaxiyo kalfadhigan.
9. Waxaan bogaadinaynaa guusha laga gaaray hawlgallada ay qaadeen Ciidama Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM ee ka dhanka ah al-Shabaab, laguna kala magacaabay Gorgorka iyo Badweynta Hindiya. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’antahay taageerada aan siino Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamuladda hoos yimaada si loo jebiyo Al-Shabaab, waxaana mar kale ku celinaynaa cambaareynta ee aan u jeedinayno nooc kasta oo ka mid ah argagaxisanimada iyo xagjirnimadaba.
10. Waxaa naga go’an hirgelinta ballanqaadyadii lagu galay shirkii armniga ee London, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen isku dhafidda ciidamada deegaanada ee hubaysan iyo diyaarinta Heshiiska Horumarinta Hawlwadaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliya, oo ku saleysan ballanqaadyada islaxisaabtanka, taasoo loo baahanyahay inay dhacaan ugu dambeyn bisha Janaayo 2015. Dowladda Federaalka waxay horumar ka sameyn doontaa u hogaansanaanta Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2182 (2014).
11. Waxaan garowsanay tallaabooyinka loo qaaday sidii loo xoojin lahaa xirfadeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka midyiin dibudhiska lagu sameynayo, taageerada la siinayo sida tababarka iyo horumarinta darajooyinka habraaca anshaxmarinta. Waxaa soo dhoweynayaa saraakiisha boliiska oo la geeyay degaanada dhowaan la xoreeyay, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka inay arrintan u sii waddo si nadaamsan una hawlgasho sidii ay ku heli lahayd dhaqaale ay siiso shaqaalaheeda.
12. Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray yareynta falalka burcadbadeednimada, inkastoo ay khatartu weli taagantahay. Waxaan Dowladda Federaalka ugu baaqaynaa inay soo saarto istaraatijiyada ku aaddan amniga badaha.
13. Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray ku dhaqabka sharciga taasoo ku timid dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Waaxda Wadajirka ee Hirgelinta. Waxaan aad u amaanaynaa kaalinya ay dadka Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso ka qaateen barnaamijyada mudnaanta leh eek u dhaqanka sharciga iyo hirgelinta qorshahaas, arrintaasoo waddada u xaaraysa sidii wax looga qaban lahaa dhaqaale yaraanta qaybtan.
14. Waxaan bogaadinaynaa horumarka ay Dowladdu ka gaartay maareynta maaliyadda guud ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah horumarka laga gaaray ururinta dakhliga, xoojinta siyaasadda miisaaniyadda, iyo xakameynta bixinta mushaaraadka, iyadoo dowladdu adeegsaneyso habka cusub ee Nidaamka Maareynta Xogta Maaliyadda. Waxaa kaloon garwaaqsanahay kaalinya uu leeyahay Guddiga Maamulka Arrimaha Maaliyadda, waxaana guddigan ugu baaqaynaa inuu horumariyo awooddiisa uu ku kormeerayo nidaamka qandaraasyada dowladda, heshiisyada iyo dib u soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed muddo laba sanno gudahooda ah, isagoo Dowladda Federaalka ku boorinaya inay fuliso talooyinka uu soo jeediyo. Waxaan hoosta ka xariiqaynaa baahida loo qabo in si degdeg ah sharci loogu ansaxiyo arrintan muhimka ah, sidoo kalena la xoojiyo awoodda Xafiiska Madaxabanaan ee Hanti-Dhowrka Guud iyo hawlaha kormeerka ee Xisaabiyaha Guud.
15. Waxaan soo dhoweynaynaa rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed ee ay ku doonayso inay ku xoojiso isla xisaabtanka, isku dubbaridka iyo iswaafajinta gargaarka caalamiga ah, iyadoo la kordhinayo saamiga dhaqaalaha dibadda iyadoo la adeegsanayo hanaanka miisaaniyadda qaranka. Waxaan soo dhoweynaynaa “Qorshaha Ku-Meelgaarka ah ee Adeegsiga Nidaamyada Dalka ee Maareynta Maaliyadda Guud”, waxaana garowsanahay in hadda la sameeyay Sanduuqa Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya.
16. Waxaan dhiirigelinaynaa mar kale hawlgelinta hay’adaha maaliyadda Soomaaliya oo waddada u xaaraya habka bixinta iyo fududeynta deymaha, iyadoo la raacayo hanaanka HIPC. Waxaan ka dhursugeynaa barnaamijka kormeeraan hawlwadeenada Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee sannadka 2015.
17. Tallaabooyin wax ku ool ah oo laga qaado la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka ayaa fure u ah xoojinta sharcinimada dowladda. Waxaan ammaanaynaa go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu dedejinayo sameynayta Guddiga Madaxabanaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyo habsami u hawlgalinta nidaamka garsoorka.
18. Waxaan garowsanahay muhimadda ay leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo asaas u noqon doona dib u soo unkidda dhaqaalaha iyo shaqa abuuridda. Waxaan ognahay inay shaqo ka socoto habkii lagu dhammeystiri lahaa qiimeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, waxaan ku baaqaynaa shir caalami ah oo lagu soo bandhigo baahida iyo baahida mudnaanta leh oo la qabto horaanta sannadka 2015.
19. Waxaa aad noo cabsi geliyay xaaladda khatarta ah ee arrimaha baniaadanimo ee jirta Soomaaliya iyo intii yareyd ee la gaarey ka did macluushii sannadkii 2011 oo sii dhammaaneysa. Waxaan ognahay in abaar joogta ah iyo daadad xilliyada qaarkood dhaca iyo dagaal joogta ah iyo barakacaba ay sabab u yihiin cunto yaraan weyn ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay kor u qaadayaan heerka nafaqa darrada dalka ka jirta. Waxaan garowsanahay baaxida degdegga ah ee loo qabo in gargaarka baniaadanimo uu si nabad ah ku gaaro dhammaan dalka qaybihiisa iyadoo aan la horistaagin, gaar ahaan degaanada dhowaan la xoreeyay. Sidoo kalena si buuxda loo dhowro sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka iyo mabaadi’da uu ku qotomo. Waxaan ognahay muhimadda ay leedahay dhisidda adkeysiga dadka Soomaaliyeed, iyadoo si fiican la isugu xirayobarnaamijyada baniaadanimo iyo kuwa horumarineedba, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo xalka waara.
20. In la ilaaliyo lana dhowro xuquuqul insaanka oo ay ka midtahay in la qaado tallaabooyin looga hortago xadgudubyada loo geysto haweenka waxay fure u yihiin sumcadda Dowladda Federaalka iyo dhisidda iyo hanashada kalsoonida dadweynaha. Waxaan soo dhoweynaynaa dejinta hanaanka sharci iyo kan siyaasadeed ee lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha laguna badbaadinayo haweenka iyo carruurta ku nool goobaha colaadda laguna xaqiijinayo xuquuqda haweenka iyo carruurta. Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa dejinta iyo hirgelinta qorshe hawleedyada iyo in si dhaqsi ah loo sameeyo Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka. Waxaan soo dhoweynaynaa ballanqaadka ay Dowladda Federaal ay sameysay sannadkii 2011 ee ku aaddanaa Dibueegidda Caalamiga ee Xilliyaysan ee Xuquuqul Insaanka ee lagu sameeyay Golaha Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka hortiisa.
21. Waxaan garwaaqsanahay qaybta mugta leh ee xasaasiga ah ee ay haweenku ku leeyihiin arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo nolosha siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed. Waxaan soo dhoweyneynaa tallaabooyinkii lagu heshiiyay markii laga dooday ka qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka siyaasadda si loo horumariyo kaalinta ay haweenku ku leeyiihiin nabadaynta iyo isbedelka siyaasadeed ee dalka.
22. Waxaan garowsanahay muhimada ay leedahay wax ka qabashada baahida dhallin-yarada Soomaaliyeed, waxaana soo dhoweynaynaa in si dhaqsi ah loo soo dhammeystiro Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.
23. Waxaan go’aansanay inaan dib u eegid ku sameyno wixii horumar ah ee laga gaara arrimaha siyaasadda iyo amniga muddo lix bilood gudahooda ah.
24. Gabagabadii, waxaan dhammaan ka qaybgalayaasha ugu mahadcelinaynaa sida waxtarka leh ee ay uga soo qaybgaleen shirka; waxaan dhidibdada u aasnay Soomaaliya oo leh gobanimadeeda, amaan ah, dimuqraadi ah, midaysan, federaalna ah, oo dhexdeeda nabad ah, adduunkana nabad kula nool, tasoo ay ku jirto danta dadkeeda. Waa inaan hadda asaaskan ku qotomonaa tiirarka xasilloonida, amniga, sinnaanta iyo barwaaqada.
Berbera news/Hargeysa.