Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in Xisbi ahaan ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Guurtidda uga digayaan muddo kordhin dib loogu dhigo Doorashooyinka laga waddo inay Sanadka soo socda ka qabsoomaan Dalka.
Cabdirashiid Xasan Mataan oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay Shacabku ka sugayaan ansixinta Guddida Doorashooyinka iyo gudbinta Xeerka Doorashooyinka Somaliland.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta isku duubniddii waxay ku hadhay Madaxtooyadda iyo Golaha Guurtidda oo aad moodo inay ka wadda-shaqaynayaan in Khilaafka Baarlamaanku sii jiro, waxaanu ognahay in Guurtiddu dhex-dhexaadin u gashay. Laakiin wax laga dhex-dhexaadinayo oo laga sugayaa oo aan ahayn inay gudbiyaan Guddida Doorashooyinka anagu uma aragno. Haddii ay Guurtiddu ka shaqaynayso sidii ay Wakhtiga u kordhin lahayd, waxaanu uga digaynaa in aanay wax dhacaya ahayn” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Waxa uu intaas ku daray “Waxaynu ognahay in Madaxtooyadda iyo Shirguddoonka Baarlamaanku ay raali isku ahaayeen 4 Sano ee ugu horeeyay ee Dalka ay wadda xukumayeen, waxa kale oo aynu ognahay in Guddoomiyaha Baarlamaanku uu Xilka hayay muddo 10 Sanadoodd ah. Muddadda u hadhayna ay tahay mid kooban oo ay tahay in Bulshadda aan lagu gelin wax Xasaasiyad ah, Mushkiladdo Baarlamaanka dhex-yaala oo gaar ahi ma jiraan waa Mushkiladdo Gacan ku rimis ah oo laga abuuro Madaxtooyadda iyo Guryahoodda oo lagu soo diyaariyo Mooshino gaar ah hore ayaanu u Cambaaraynay Ciiddanka la dul dhigay Baarlamaanka”
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxa muuqata in Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay u yaalaan arrimo Datsuuri ah oo ay Shacabkani sugayeen oo ah in laga hawl-galo Guddida Doorashooyinka Ansixintoodda iyo gudbinta Xeerka Doorashooyinka, muranka la geliyay waxaanu u aragnaa ama Bulshadda inteedda badani aaminsan-tahay inay tahay wax lagaga hor-tagayo hanaanka Doorashooyinka iyo Wakhtiyaddii loogu tallo-galay siday u dhici-lahaayeen” ayuu yidhi Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka UCID.
Halkan ka daawo.
Berbera news/Hargeysa.