Xukuumadda Oo Mamnuucday Kalluunka Dalka Dibadiisa Laga Keeno

Hargeysa (Berbera news) Somaliland ayaa dalkeeda ka mamnuucday gabi ahaanba in dalka dibaddiisa laga keeno isla markaana dalka la soo galio kaluun,tallaabadan oo ah mid kor loogu qaadayo wax soosaarka kalluumasatada Somaliland lagagana hor tegao in suuqyada Somaliland lagu cidhiidhyo shirkadaha ka ganacsada Kalluunka iyo kalluumaysatada reer Somaliland.
 
 
 
Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa sheegay in dhamaan la joojiyay Kalluunkii Dalka Somaliland ka soo galayay dibada.
 
 
Wasiirka Kalluumasiga Somaliland Cali Buureed oo manta Shirjaraa’id oo ku qabtay Magaalad Hargaysa,ayaa sheegay in talaabadan ay Wasaaradiisu ku dhaqaaqday ay waxbadan ka tari Doonto inuu Horumaro Kaluunkii dalku.
 
 
Waxa kale uu sheegay isla markaas ku gubaabiyay Kaluumaysatada Dalka in ay Jabiyaan Qiimaha kaluunka.
 
 
Wasiirka ayaa sidoo kale Carabka ku dhuftay in kaluunka laga keeno dibada uu u badan yahay Soomaaliya,waxaana uu madaarada laga soo Dajiyo Amar buuxa Wasiirku ku siiyay in ay talaabo ka qadaan.
 
 
 
 
“Maanta laga bilaabo Wasaarada Kaluumaysigu iyo khayraadka Baddu waxa ay joojisay in dalka somaliland la keeno kaluun ka yimid dalka dibadiisa,Waxaanu dhamaan Amar buuxa siinay madaarada dalka iyo dikadaha si aanay kaluun dalka uga soo dagin,hadaanu nahay wasaarada kaluumaysiga waxaanu dhiiri galinaynaa in dalka somaliland lagu isticmaalo kaluun kooda.
 
 
Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay”Dhamaan waxaan ku wargalinayaa Kaluumaysatada dalka somaliland in ay Jabiyaan Kaluunka dalkan ka haqab tiraan,Markii hore dalka waxa la keeni jiray Kaluun laga keeno Xamar Maant laga bilaabo dalka waa ka mamnuuc.
 
 
 
Hadalkan kasoo yeedhay wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badaha somaliland ayaa waxa uu Dhiiri galin u noqon doonaa Kaluumaystada dalka somaliland,Kuwaas oo ku dhiiran doona in ay dalkooga Dihan kala soo baxaan Kaluunka.
 
 
Berbera news/Hargeysa.