Guddida Dhexdhexaadinta Khilaafka Golaha Wakiillada oo berri ku dhawaaqaya natiijo

Hargeysa(Berberanews):- Guddiga dhex-dhexaadinta Khilaafka Mucaaradka iyo Muxaafidka Golaha Wakiillada Somaliland ee ay kala hoggaamiyaan Guddoomiyaha Golahaas oo Mucaaradka ah iyo labadiisa Guddoomiye Ku-xigeen oo Muxaafidka hoggaamiya, ayaa Sabtida Berri si rasmi ah u shaacin doona natiijada go’aammada ay ka gaadheen dhex-dhexaadinta ay ku jireen tan iyo Sabtidii toddobaadkii hore.

Guddiga dhex-dhexaadinta khilaafka Wakiillada ee Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa caawa Mudanayaasha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee labada dhinac u kala fadhiya ku war-geliyey inay tobanka subaxnimo ee Sabtida Berri yimaaddaan ama ka soo qaybgalaan Fadhiga Golaha Guurtida oo ay Guddigu ku shaacin doonto go’aammada ay ka soo saarayaan natiijada dhex-dhexaadinta ay ku jireen, sida uu Aftahannews u xaqiijiyey Mudane ka tirsan Golaha Wakiilladu.

Labada dhinac ee Golaha Wakiilladu u fadhiyo ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo labadiisa Ku-xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo dhinaca Muxaafidka ah, ayaa ka qaybgeli doona fadhiga Sabtida Berri ee Guurtidu ugu baaqday inay ku shaacin doonaan go’aammada ay ku dhex-dhexaadinayaan labada Garab ee Mucaaradka iyo Muxaafidka.

Inkasta oo Weriyeyaasha Aftahannews ka hawlgalaa isku dayeen inay wax ka ogaadaan nuxurka qodobbada Guurtidu soo saari doonto Berri, haddana noomay suuragelin inaannu xog sugan ka helno, ka dib markii Mudanayaal Guddiga dhex-dhexaadinta ee Guurtida ka tirsan oo aannu la xidhiidhnay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ama tibaax ah ka bixiyaan go’aammada ay Sabtida ku dhawaaqi doonaan.

Sidoo kale, Mudanayaal ka tirsan dhinacyada Mucaaradka iyo Muxaafidka Golaha Wakiillada, Somaliland oo Weriyeyaal Aftahannews ka tirsani wax ka weydiiyeen natiijada Guurtidu shaacinayaan Sabtida, ayaa sheegay inaanay wax xog ah ka haynin waxa ay yihiin qodobbada ay Guurtidu soo saari doontaa, hase-ahaatee, Guurtidu ku war-gelisay keliya inay ka soo qaybgalaan Fadhiga Berri ee Guurtida tobanka Subaxnimo haddii Illaahay yidhaahdo, si ay goob-joog ugu noqdaan shaacinta qodobbada ay go’aamiyeen, isla markaana waxay xuseen inay ka qaybgeli doonaan, natiijadana loo wada joogi doono hadday dhex-dhexaad tahay iyo hadday dhinac u xaglinaysaba.Golaha-Guurtida3

Khilaafka Golala Wakiillada oo tan iyo bilawgii sannadkan dhawr jeer soo noqnoqday, ayaa khilaafkan u dambeeyey ee hadda taagani waxa uu salka ku hayaa muran ka dhashay Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo Mudanayaasha Wakiilladu aqlabiyad ku ansixiyeen 30-kii September 2014, oo Guurtida loo gudbiyey, balse ay dacwad ka daba-geeyeen Xildhibaannada Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE taageeraa oo ay sheegeen in qodobbo dheeraad ah uu ku daray Guddoomiye Cirro, eedayntaas oo uu Cirro-na waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Waxaana Khilaafkan heerkiisu gaadhay in Sabtidii hore oo loo ballansanaa furitaanka Fadhiga koowaad ee Kal-fadhiga 26-aad ee Wakiillada in Muxaafidku soo dhigaan Mooshin ay xilka kaga qaadayaan Guddoomiye Cirro, isla markaana ay Xukuumaddu Ciidammo dhoobtay Golahaas, kuna wareejisay Ciidammo kuwii hore u ilaalin jiray aan ahayn oo cusub, kuwii horena qaadday, caawa oo kale habeenkii sabtidu soo galaysay ee toddobaadkii horana xabsiga dhigtay Xoghayihii guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Waxa diiday inay fadhigaas ka qaybgalaan Mudanayaasha Mucaaradka ee Guddoomiye Cirro hoggaamiyo, halka ay Muxaafidku fadhiga iyagoo furanaya si ay mooshinkaas ugu codeeyaan ay Xildhibaannada Golaha Guurtida oo ay hor-socdeen Guddoomiyaha Guuritda Saleebaan iyo Xaaji Cabdi-Waraabe ay ku guntadeen, kana dalbadeen in fadhiga la baajiyo, xalka arrintana ay iyagu Guurti ahaan galayaan, sidaasna ay muddo toddobaad ah ku qaateen Guurtidu, natiijadii dhex-dhexaadinta toddbaadkaas ay wadeenna ku dhawaaqi doonaan Sabtida Berri sida ay Wakiillada ku war-geliyeen.