Kuuriyada Waqooyi oo tijaabinaysa Hubka Nuclearka

Berberanews-(N korea)-Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku hanjabtay in ay markii afaraad tijaabin doonto hubkeeda nuclear-ka ah, iyada oo taasi uga jawaabeysa qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in tallaabo laga qaado xukuumadda Pyongyang, oo lagu eedeeyay in ay geysatay tacadiyo ka dhan ah bani’aadamka.

Qaraarka ayaa sidoo kale ugu baaqaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, in uu la tiigsado Kuuriyada Waqooyi maxkamada dembiyada caalamiga ah.n korea

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaamtay qaraarka daandaansi siyaasadeed oo aad u xun, waxaana ay sheegtay in fursad kale aanay u banaanneyn oo aan ahayn in ay jitaabiso nuclearkeeda.

Waxaa lagu soo warramayaa in adagtahay in golaha ammaanka uu tallaabo qaado, maadaama Shiinaha iyo Ruushkaba ay kasoo horjeedaan qaraarka, ayna saari karaan codka diidmada qayaxan.

BBC