Xoghayihii Maaliyadda Xisbiga UCID oo is-casishay

Xoghayihii Maaliyadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Fadumo Sicid Ibraahin, ayaa xalay iska casishay Xilkaas ay Xisbiga ka haysay, sida ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay xalay soo saartay oo soo gaadhay Aftahannews.com.

Faadumo Siciid, waxay War-Saxaafadeedkeeda ku sheegtay in sababo laa xidhidha caqaabado ka jira gudaha Xisbiga UCID oo aan suuragal ka dhigaynin gudashada xilka saaran awgood ay isu casishay. Waxaanay Warkan Qoraalka ah ka soo saartay Faadumo Siciid magaladda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay hadda ku sugan tahay, oo ay maalmahan Safar isugu jira mid shaqo iyo mid shaqsi ah ku joogtay.fadumo

Waxaanu Qoraalka War-Saxaafadeedkan kooban ee ay soo saartay Faadumo Siciid oo ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaan halkan idiinku lifaaqaya anigu ah Faadumo Sicid Ibraahim inaan xilkii aan ka hayey Xisbiga UCID oo laga bilaabo 20/11/2014 iska casilay, sababo la xidhidha durufo ka dhex jira Xisbiga oo aan shaqaadi aanan awgood u sii wadi karin.Wa Billaahi Tawfiiq.”