Al-shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda  Dilka 28 Qof Kenyan Ah

Hargeysa  (Berbera news)  Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada 28 Qof oo lagu dilay Meel u dhaw Xuduudka Kenya iyo Somalia. Dablay ayaa afduubatay Bas ka soo kicitimay Magaalada Mandheera kuna sii jeeday Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya. Dablayda ayaa dadka baska saarnaa oo 60 qof ahaa u kala saaray Muslim iyo Gaalo islamarkaana dilay inta Gaalada ahayd, iyagoo fasaxay intii Muslimka hayd.
 
 
 
Wararka ayaa sheegaya in Dadka la dilay Akhrin kari waayeen Aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah. Dadka la dilay waxaa ka mid ah Saraakiil Ciidanka Kenya ka tirsan iyo Macaliin Fasax u tagayay Guryahooda.
 
 
Qoraal kooban oo Wasiirka arimaha gudaha Kenya ku baahiyay Boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Caydhsanayaan Kooxda Weerarka gaysatay. Sidoo kalena  Badhasaabka Mandheera Cali Ibraahim Rooba, ayaa sheegay in Argagiixisada dishay dadka aan waxba galabsan ee Kenya ay jawaab adag ka bixin doonaan Ciidamada Amaanku.
 
 
Al-shabaab ayaa Masuuliyada weerarka Sheegatay iyadoo tilmaantay inay ugu aar gudayso dhibaatooyin Kenya ku hayso Muslimiinta “ Nimcadda Illaahay, Mujaahidiintu waxay ku guulaysteen inay  Subaxnimadii hore Hawlgal ka fuliyaan Meel u dhaw Madheere,, kaasi oo Natiijadiisii noqotay inay 28 Dambiile ku halaagaan, kaasi oo aar goosi u ah faldambiyeedyada ay Dambiileyaasha Kenya ka galayaan Wallaahayaga Muslimiinta ah ee Mombasa” ayuu Sheekh Cali Maxamuud Raage, Afhayeenka Shabaab ku sheegay Bayaan Sabtida Maanta uu soo saaray.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.