Ergaddii Guurtidda Oo Soo-saaray Go’aamo Xal U Noqday Khilaafkii Golaha Wakiiladda + Sawirro

Hargeysa (Berbera news) Fadhi ay wada jir u yeeshaan Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland Guurtida iyo Wakiilada, ayaa lagaga dhawaaqay xalka murankii siyaasadeed ee ka dhexeeyay Golaha wakiilada. fadhigan oo ka qabsoomay aqalka guurtida ayaa Guddida dhexdhexaadintu ku soo bandhigtay todoba qodob oo ay xal u arkeen, kuwaasi oo labada dhinac ee wakiiladuna aqbaleen.

 
Qodobada Guurtidu soo saartay waxaa ugu muhiimsanaa In la laalay Mooshinkii Xilka lagaga qaadayay Gudoomiye Cirro,Mooshin dambena laga keenayn inta Dastuurku u Ogol yahay Musharax Madaxweyne inaanu xilkale hayn karin.

 
In Xeerka Diwaangalinta Madaniga iyo Codbixiyeyaasha Guurtidu saxdo si loo dhawro wakhtiga.

 
In Xukumaddu dhawro Xasaanada Xildhibaanada, XIldhibaanaduna iska ilaaliyaan faldambiyeedyada.
 

 
In Dhamaan Asxaabtu joojiso wax u muuqan kara Olole Siyaasadeed inta laga gaadhayo Ololaha Doorashada.
https://i0.wp.com/somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/11/10171823_804807476232484_8642282003646856620_n.jpg?resize=670%2C502
 
Sidoo kale Guurtidu waxay sheegtay inay caddaatay in Gudoomiye Cirro laaxin galiyay, waxna ka bedelay xeerkii Goluhu ansixiyay ee Diwaangalinta Codbixinta iyo muwaadinka.
 
https://i0.wp.com/somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/11/00000000000.jpg?resize=668%2C501
 
Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)  ayaa gabagabadii kulanka ka sheegay inuu aqbalay Go’aanka Guurtida, isagoo sheegay in danta guud kala weyntahay dantiisa gaarka ah iyo kursiga uu fadhiyo. sidoo kalena gudoomiye xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inuu isna aqbalay go’aanka inkasta oo Guurtidu aanay sharciga marin. fadhiga ayaa ku dhamaaday si niyad samaan ah.
 
 
Halkan ka akhriso Nuxukr Go’aamaddii lagu xaliyay Khilaafka Golaha Wakiilada.

 
 

 
 
 
Berbera news/Hargeysa