“Go’aanka Guurtidda Waxaan Ka Taaga-nahay, Halkii Faarax Suusle Oo Ahaa In Nabada Awgeed Kabaha Ilkaha Lagu Qaato” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan maxamed Cabdulaahi (Cirro) ayaa soo dhaweeyay Qodobada dhex dhexaadinta ah ee ay soo saareen Guddidii Golaha Guurtiddu ee ku hawalanaa xal u helida Khilaafkii ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiye Cirro.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Arrinta maanta iyo Guurtida waxaan ka taagnahay halkii Xaaji Faarax Suusle ee uu sameeyey waxaan hore uga dhicin Somaliland iyo dadka af Somaaliga ku hadla oo ahaa in nabadda awgeed KABAHA ILKAHA LOOGU QAADO. Anniga oo ka garnaqsan wixii igu daw ah, iyo waxaan igu daw ahayn, wax sharci ah iyo waxaan sharci ahayn , maadaama aan kalsooni siinay Guddida xeer beegtida Golaha Guurtida danta guud awgeed aqbalay Go’aanka Golaha Guurtida”.
 
 
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu sheegay inuu aqbalay Go’aamadda ay Golaha Guurtiddu ka soo-saartay Khilaafkii ka dhashay Mooshinkii Xil ka qaadista Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.
 
 
Berbera news/Hargeysa