Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo sheegay wakhtiga baarlamanka la horgeynayo mooshin ka dhan Raysal-wasaaraha

Muqdisho(Berberanews):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in mar kale maalinta Isniinta Barlamaanka la horgeyn doono mooshinka ka dhanka Raysal-wasaare Cabdiweli wuxuuna ku hanjabay in ciddii hor-istaagta tallaabo laga qaadi doono.

Jawaari, ayaa laba jeer Baarlamaanka hor-geeyay mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaare, balse, waxaa hor-istaagay Xildhibaannada taageersan Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh, oo iyagu sharci-darro ku tilmaamay Mooshinkaas.jawhari

Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in marka hore, xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha, kahor inta aan mooshinka baarlamaanka la horgeyn.

“Haddii Allaah idmo Isniinta soo socota ayuu baarlamaanku kumi donaa iyadoo la qaybin doono mooshinka xukuumadda laga keenay, ciddii isku dayda inay hor-istaag ku sameyso tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu ku hanjabay guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa u mahad-celiyay xildhibaanno uu sheegy in ay ilaaliyeen nidaamka baarlamaanka labadii kulan ee uu buuqu hareeyay kulammadii uu baarlamaanku yeelan lahaa.

Xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka laga keenay Raysal-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa, ayaa laba kulan oo uu yeelan lahaa Baarlmaanka Buuq ka sameeyay, kaasoo abuuray xiisad xooggan oo u dhexeysa Baarlamaanka.