Nuxurka War-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID

Hargeysa-(Berberanews)-“Ujeedo: War-murtiyeed Ka Soo Baxay Xafiiska Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID mudane Jamaal Cali Xuseen:

Marka hore waxaanu salaamaynaa shacabka wanaaga jecel ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa waajib inaga saaran yahay dhamaanteen sidii dalkeenu u horumari lahaa, laakiin waxa waajibka koowaad iyo awoodda la siiyey Madaxweynaha la doortay iyo goleyaasha qaranka ee iyagana la soo doortay. Xisbiyadda Qarankana wuxuu dastuurku awood u siiyey in ay ku ilaaliyaan masuuliyadaasi madaxweynaha iyo goleyaashaba oo shacabka u iftiimiyaan meelaha u baahan in la saxo. Nasiib darro imika waxay u muuqata inay saddexdaas waaxood ee xilku ka saaran yahay qabsoomida doorashadu inay ku shuraakoobeen in aanay doorashadu ku qabsoomin xiligii loogu talo-galay.jamaal

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu waydiinayaa xukuumadda taladda haysa iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland sababta ilaa iyo hadda loogu fadhiyo labaddi qodob ee shuruudda u ahaa in doorashaddu xiligeedii ku dhacdo, labadaas qodob oo kala ah:-

1. Ansaxinta gudidda doorashooyinka oo sida aynu wada ognahay ay ku fadhiyaan oo ay dhexda iskaga marreen xukuumadda iyo Baarlamaanku.

2. Ansaxinta Xeer Lr 37 oo sida ay bulshadda Somaliland iyo beesha caalamkuba ogtahay in Xeerkii Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha oo ay ku fadhiyaan Golaha Guurtidda, iyadoo aanu u aragno labaddaas qodoba kuwa horleh oo lagu carqaladaynayo doorashooyin Somaliland ka dhaca xilligii loogu tallo galay.

Sidoo kale Xukuumaddu laba ha kala dayso campaign joogto ah oo kolba wax aanay iyaddu ka shaqeeynin in ay xadhigga ka soo jarto; oo halkii ay iyaddu masuuliyadeeda qaadi lahayd wadooyinka laga dhisaayo dalka ay imika la soo baxday siyaasad cusub oo la magac baxday “Shanta Kiilometer”; iyadoo deegaanadda ku weydiisanaysa cod ay ugu badelayso in ay shan kiilometer ugu darayso wadooyinka. Xisbigga UCID isagoo ku amaanaya waxa ay dadku qabsadeen, waxa uu xukuumadda ku dhiirigelinayaa inay iyaddu ka kafaallo qaaddo shacabka wadooyinka oo ay ka dayso isku lisidda dadka walaalaha ah ee wadda degga Somaliland, iyo iibsashadda codka lagu badelanaayo shanta kiilometer maadaama ay tahay xoolahii ay shacabku lahaayeen.

Mida kale waxaanu leenahay waa sharci-daro in xoolaha ummadda ee aad masuulka ka tihiin in lagu takri-falo oo maalin walba kaambayn lagu galo isla markaana casuumaddo aan ummadda faa’ido u lahayn oo beelaha Somaliland lagu sii kala fogaynayo loogu goleeyo qabyaaladii aynu doonaynay inaynu ka bogsiino bulshadeena, dadka walaalaha ahna la iskaga horkeeno,

Weligoodba way jiri jirtay in koox hore u badisay, haddana boodhka lagu liqo oo laga guuleysto. Laakiin kooxda hore u badisay marnaba may ka baqan jirin in mar labaad ay tartanto. Xisbiga UCID waxa uu cod-dheer ku leeyahay tartan aan boob ahayn oo dadku wadda arkaayo ayaa laydinka fadhiyaa xukuumadda Kulmiyoow.

Guntii iyo gabo-gebaddii, Madaxweynaha Somaliland isaga ayaa leh masuuliyadda ugu sareysa ee ah in ay doorashadu xilligeedii aanay dhaafin oo ay wakhtigii loogu talo-galay dalka uga dhacdo, ilaa haddana waxa ay u muuqataa af-gobaadsi iyo arrin la laayahay ficilkeeddii oo aan muuqanin. Waxaanu kusoo afmeeraynaa war-murtiyeedkan “UCID Garoonka Ayeey Ku Sugeysaa Kooxahii la tartami lahaa maadaama u xisbaggan yahay ka qudhaata ee qabsadday Shirkii golaha dhexe ee lagu doortay musharaxiinta uga qayb gelaysa tartanka madaxtinimadda, iyo weliba xisbigga UCID inuu soo dhameystay shirweynahooddii. Waxaanad Moodaa In Guurtidda, Golaha Wakiiladda iyo Dawladuba in ay ku heshiiyeen in aanay Doorasho ku qabsoomin xilligeeddii, wufuuddii caalamkuna ay inagu badatay taasi awgeed. Hana ogaadeen in shacabka Somaliland ogyahay oo aan marna laga aqbali doonin wixii bilaa sharci ah ee ka soo horjeedda danaha Jamhuuriyadan curdinka ah ee magaca ku heshay hanaanka dimuqraadiyadeed iyo nabadda”.