Tolkay iyo Dheriga aan bislayn- Jawaab ku socota Xildhibaan Siciid Cilmi

Salaan Sharaf badan dhamaan  Warbaahinta kala duwan ee ka jira Somaliland,  Xikimada Afka Somaliga waa Qani,  Sacidow inadeer HASHA LABADA GEEL OGOL DHEXDEEDA WARAABE KU CUNA. Laga soo bilaabo,  xiligii UDUB,  Geediga Reer Tolkaa waxaad ka soo rartay meel doog ah  iyo barwaaqa ah  oo ay dadka magac iyo sharaba ay ka mudan yihiin, Dhari aan bislayn  iyo foosto doolasha ee aan buuxsamayn ilaa hadda, sacidow waxaa dhab ah in aad  wali aad dhaaminayso foosto daloosha iyo dhari aan bislaanayn ee walacsi iyo waxa aan la helayn ka jiraan.

Waxaa ka sii daran NIN TEGAYA OO AAN TOLKII ODHAN JOOG, labada maah maahood waxay inoo iftiminayaan nikii tolkii ka tegey oo aan cidi odhan joog ,wuxuu yahay nin aan loo baahnayn oo cidla fooda saaray, markii horena tolkii ka fogaaday oo meel cidla ah afka saaray maantana aan meel uu ku suganyahay jirin oo kaba sii daran malaha ilaaway inuu uu guuray  xisbigii ay dan wadaaga ahaayeen markii hore xisbigaiisii Kulmiye.

Hadaba xildhibaanku labada waqti ee kii hore tegey iyo kan maanta jooga keebu lunsanyahay inlayn waa kan tolkii u caayaa Kulmiye hadana ku soo hogaaminaaya midkan kale ee la magaca ahaa kiisii hore ee kulmiye sameeyey markii UDUB la burburinaayey.

Xidhibanku Reer tolkii UDUB, iyagaa u sareeyay hase yeeshee xidhibaanku way u cuntami wayday, Midho guntaada ku jira kuwa geed saran loo ma daadiyo,  Xildhibanku iyo reer tolkii  Kulmiye ayay ka calaf qadeen oo Nabsigii UDUB ayaa ku dhacay, hase yeeshe wali may garan in ay halka ay dantooda ku xidhan tahay.!

Xaalku markaas ma waxaynu u qaadaana kuna tilmaamna xildhibaanka  nikaas  la mid ka ah (hashaas labada geel midba mar ogol oo dehxdooda waraabuhu ku cunay amaba nikaas tolkii ka tegey  ee cid u joojisa waayay kadibna cidla ku dibjirey.

Ilaahay kama dhigee weli   ragbaa aduunka weli ku hadhay oo walaalkood cidla aan kaga tegeyn una yeedhaaya  oo hoga tusaalaynaaya inaanay maanta isu  dhaamin halkii hore iyo rugta cusub ee uu u guuray markas waxaan kula talin lahaa  xildhibaanka inuu tolkii halku maray maanta  isaguna bal isha ku hayo oo aanu sidii hore tolkii ka tegin oo maanta rag ayaa u yeedhayaa  oo  sidii hore aan  ka yeelayn.

hadaynu dib u milicsano xildhibaan saciid  climi rooble wuxuu ka mid ahaa haldoor kii tolkii haseyeeshee waxay ka quusteen markuu meel cidla ah fooda saaray isla markaana  aanu talo fiican oo wax ku ool ah qaadan,balse maanta hadana mar labaad ayuu ku celiyey inuu maro jidkii hore . maahmaah hore tidhi (nin mmuumin ah laba jeer god lagama wada qaniino) hadaba saaxiibkay  xildhibaan saciid waxaan jecllaan lahaa inaan xasuusiyo  hadana waxan xasuusinaynaa  inuu tolkii diyaar u yahay oo naftiisa ka maarmayn oo ay la doonayaan inaanu sidii hashii  aan soo sheegay laba geel dhexdood waraabe ku cunin.

waxaan weliba xasuusinayaa  inuu tolkii maanta dab baxaaya shidtay oo aanu ka lumayn ee uu soo raaco dabkaas baxaaya isla markaana  wax kula qaybsado tolkii oo aan cadkii uu sheegaayey  ee kolba dheriga laguala walacsanaayey aanu ahayn ee uu yahay mid  wax wada qaybsi iyo tol wadaagba .

markaan sidaas wax u hoga tusaalaynaayo saaxiibkay xildhibaan Saciid Cilmi Rooble waxaan uga jeeda inaan tolkii ilaawin ee weli cindinka ku hayo isla markaana aan laga maarmin iyadoo weliba aan waxba loogu qabanayn qanjiiidhooyinkii  hore ee  tolku ka tirsanaayey waqtiyadii  kala guurka ee ay doorashoooyinku ka socdeen dalka somaliland iyo qardoofooyinkii  marmarka qaarkood looga soo xambaarinaayey isaga iyo xulafadiisii xaga qoyska madaxtooyada.

 

Mahada Allah iska leh

Qurba jooga  ciise muuse ee UK

Hassankaid4@gmail.com