Wasiir ka tirsan Dawladda Israa’iil oo ka badbaaday dil

BBC-(Berberanews)-Hay’adda sirdoonka gudaha ee Israa’iil, Shin Bet, ayaa sheegtay in ay ka hortagtay qorshe ay Falastiiniyiin ku doonayeen in ay ku dilaan wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Avigdor Lieberman horraantii sanadkan.

Sirdoonka ayaa sheegay in ururka Xamaas uu doonayay in uu baasuuko ku dhufto gaariga gaashaaman ee Mr Lieberman, xilli uu kasoo baxay gurigiisa ku yallaa daanta galbeed, una socday xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Qudus.wasiirka

Shin Bet ayaa intaa ku dartay in saddex ka mid ah ragga qorsheynayay dilka ay qireen in ay ku rajo weynaayeen in haddii ay fuliyaan dilka uu baaqan lahaa duullaankii 7-da asbuuc socday ee Israa’iil ay bishii July ku qaaday marinka Qaza.

Xamaas ayaan weli ka hadlan eedeyntaasi.