“Aniga iyo Walaaladay Muuse Biixi Iyo Maxamed Biixi (Wasiirka Arimaha Dibada), Waxaanu Dhisaynaa Madaxweyne Siilaanyo” Wasiir Samaale

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in isaga, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ay dhisayaan sidii uu mar kale Madaxweyne Siilaanyo ugu guulaysan lahaa Madaxtinimadda Dalka.
 
 
 
 
Wasiir Samaale oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in uu Golaha Guurtidda ku bogaadinayo Go’aankii ay Shalay ku soo afhareen Khilaafkii Golaha Wakiiladda.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Haddii khilaafkii Golaha Wakiiladdu dhamaaday aad ayaan ugu faraxsanahay , waxaana arrintaasi mahadeedda leh Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo arrintaasi soo afjaray oo Guushadda iyo Sharateeda-na qaatay. Waxa kale oo Sharfteedda iska leh Shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo iyagguna qaatay Go’aamadda ka soo baxay Golaha Guurtidda, Golaha Wakiiladdu waa Gole aan ka tirsanaa muddo 5 Sandood ee nala doortay iyo ku dhawaad laba Sanadood oo kale-ba ama Sanad iyo Badhba waa Gole runtii saaxiibayadda ah oo muddo halgan dheer aanu soo wadda-marnayn ah haddii ay yihiin Shirguddoonka iyo haddii ay yihiin-ba Gole weynaha, waa Gole aan jecelahay oo aanu Taariikh dheer soo wadda marnay oo Halgan Siyaasi ah oo is badel keenay aanu ka soo wadda qayb-qaadanay, markaa runtii Khilaafka dhexdoodda ka dhacay aad baan uga xumahay runtii waxaan jeclahay in aanu Khilaafkaasi soo noqonin oo Caqligu shaqeeyo waanan ku farxasanahay in Khilaafkaasi uu damay” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.
 
Wasiirka oo Golaha Guurtidda ku bogadinaya Go’aamaddii ay ku soo afjareen Khilaafkii Golaha Wakiiladda, waxa uu yidhi “Haddii khilaafkii Golaha Wakiiladdu dhamaaday aad ayaan ugu faraxsanahay ,waxaana arrintaasi mahadeedda leh Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo arrintaasi soo afjaray oo Guushadda iyo Sharateeda-na qaatay. Waxa kale oo Sharfteedda iska leh Shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo iyagguna qaatay Go’aamadda ka soo baxay Golaha Guurtidda, Golaha Wakiiladdu waa Gole aan ka tirsanaa muddo 5 Sandood ee nala doortay iyo ku dhawaad laba Sanadood oo kale-ba ama Sanad iyo Badhba waa Gole runtii saaxiibayadda ah oo muddo halgan dheer aanu soo wadda-marnayn ah haddii ay yihiin Shirguddoonka iyo haddii ay yihiin-ba Gole weynaha”
 
 
Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wwaa Gole aan jecelahay oo aanu Taariikh dheer soo wadda marnay oo Halgan Siyaasi ah oo is badel keenay aanu ka soo wadda qayb-qaadanay, markaa runtii Khilaafka dhexdoodda ka dhacay aad baan uga xumahay runtii waxaan jeclahay in aanu Khilaafkaasi soo noqonin oo Caqligu shaqeeyo waanan ku farxasanahay in Khilaafkaasi uu damay” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.
 
 
 
 
 
Halkan ka dhagayso  Codka  Wasiirka Maaliyadda.
 
 

Berbera news/Hargeysa