Maxkamadda Gobolka Hawad Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Nin Baligubadle Ku Sumeeyay Marxuum Kale

Hargeysa (Berbera news) Maxkamadda Gobolka Hawd ee Magaaladda Baligubadle ayaa Dil ku xukuntay Cabdi Aadan Aw Maxamed (Ina Duceeye), oo shan iyo Sodon jir ah, oo maxkamadu ku heshay inuu ku sumeeyay Tuuladda Idhanka oo Bali-gubadle hoos timaada Marxuum- Faysal Cismaan Aadan Liibaan, 29-kii Bishii September ee la soo dhaafay.
 
 
 
 
 
Maxkamada Gobolka Hawd Markii ay dhegaysatay Shan markhaati oo ay Xeer ilaalintu Maxkamada horkeentay iyo qiraalka Gacan ku dhiigle Cabdi Aadan Aw Maxamed Ina Duceeye uu qirtay Saddex marag oo Aabihii ku jiro Inuu Marxuum Faysal Cismaan Aadan Liibaan Biyo Sun ugu daray, sidaasina ku dhintay.
 
 
 
 
Maxkamaddu waxay sheegtay in ninkaasi ay ku cadaatay dhagarta uu geystay, sidaas darteedna ay ku xukumeen dil toogasho ah, iyagoo u cuskatayxukunkiisa Aayadaha 178 iyo 179 ee Suradda al-baqara, iyo Aayadda 93 aad ee Suuradda Nisa, Aayada 62-Aad ee Suuradda Furqaan, iyo aayada32aad iyo 45aad ee Suuradda Maa’id. Iyo Qodobada 434aad, 305 aad ee Xeerka Ciqaabta.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.