“Maanta Looma Baahna Dib U Dhac, Hore Ayaan U Soo Arkay Meesha Uu Na Dhigay Khilaaf” Raysal-wasaarihii hore ee Somalia

Hargeysa (Berbera news) Raysal-wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qaar kamid ah Jaaliyada Somaliya ee ku dhaqan dalka dibeddiisa ayaa ka hadlay waxqabadkii Xukuumaddii uu hoggaamiyay ee mudada halka sano ah dalka maamulaysay iyo sidoo kale khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare Dawlada Somaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha.
 
 
 
 
 
 
Saacid ayaa ku dheeeray guulihii ay ka gaadhay Xukuumaddii uu hoggaaminayay, waxaanu sheegay in Xukuumadda uu majaraha u hayay ay gaadhay mudadii halka sano iyo dhawrka bilood ahayd ee ay jirtay guulo la taaban karo, waxaanu xusay inay dowladdu horumar ka samaysay dhinacyada arrimaha guddaha, arrimaha dibadda iyo adeegga bulshada.
 
 
 
 
 
Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya hoggaanka sare ee ee Somaliya, waxaanu ugu baaqay dhinacyadu in ay dhawraan dowladnimada curdanka ah iyo danta guud ee qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye, iyadda oo muhiimadda la siinayo hawlaha adag ee dalka u yaala gaar ahaan hiigsiga 2016 iyo gaadhsiinta ddoorashooyin xor ah sanadka 2016 ka dhaca Somaliya.
 
 
 
 
 
Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan leeyahay dhammaan dhinacyadu ha raadiyaan xal khilaafka lagu dhamayn karo, Soomaaliya maanta uma baahna dib-u-dhac iyo khilaafaad hore ayaan u soo aragnay meesha uu na dhigay khilaaf aan xal laga gaadhayn. Waxaa muhiim ah in la Tix-geliyo danta guud ee Soomaaliya lana eego dhibaatada baahsan ee dalka ka jirta maanta, Dowladda waxaa looga fadhiyaa dalka in ay gaadhsiiso doorashooyin xor ah 2016-ka” ayuu yidhi Saacid.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.