TV-ga Xukuumada Oo Bilaabay Barnaamijyo Salka Ku Haya Xasarad Siyaasadeed Iyo Khilaafkii Caadada U Ahaa Warfaafinta Oo Soo Laabtay

Hargeysa (Berbera news) Telefishanka ay Bulshadda Somaliland badankeeddu u garan ogtahay TV-ga qaranka, balse ku hadla afka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu maalmihii u dambeeyay tabinayay Warar iyo Barnaamijyo muujinaya Sawir xambaarsan hadalo xanaf leh oo u muuqdda kuwo Xasarad Siyaasadeedd ka dhex-abuuraya Shacabka, isla-markaana lagu durayo Siyaasadda Masuuliyiinta Mucaariddka ah ee dhaliila Hoggaaminta Madaxweyne Siillaanyo iyo Xisbiyadda Mucaariddka.
 
 
 
 
 
Telefishankan ayaa sidoo kale Wararka ay Bulshaddu ka dheehato Shaashaddiisa waxa ka mid ah Odayaal la soo abaabulay oo ku caan ah Barnaamijkii Waji ku macaash ee ay bud-dhigtay Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo Taageero u muujiyay Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo ee aan weli cadayn ee Sanadkan guddihiisa ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynuhu si hoose u sheegay in aanu mar kale tartamayn, iyadda oo wararka qaarkood-na ay sheegeen in Xubno uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo Todobaadkii hore Munaasibad lagu wadday inuu hankiisa Siyaasadeedd ku shaaciyo u badalay madal lagu taageerayay Madaxweyne Siilaanyo ay badali-doonaan Madaxweynaha marka uu baneeyo taladda, iyadda ay dhawaan-na qaar ka mid ah Warbaahinta madaxbanaani ay baahiyeen in aanu sharaxnayn Madaxweyne Siilaanyo, halka ay tibaaxuhu intaas ku dareen in kulamo ka dhacay Madaxtooyadda uu Madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyay inay iska soo saaraan Musharaxa Madaxtinimadda KULMIYE ee badalaya, taas oo Beesha ay Xubnahan Masuuliyiinta ahi ka soo jeedaan la filayo inay dhawaan kala saari-doonto.
 
 
 
 
 
Waxa kale oo Barnaamijyadda TV-gani uu tabiyo ka mid ah kuwo lagu beegsanayo Masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaridka oo lagu tilmaamay inay dalka ka abuurayaan khilaafyo Siyaasadeed, kuwaas oo eedo looga dhigo inay ka hor-imanayaan horumar iyo wax-qabad lagu sheego Barnaamiyaddaasi inay hir-galisay Xukuumadda Siillaanyo, iyadda oo arrimahaasi ay Bulshaddu u aragto kuwo abuuraya Xasarada Siyaasadeed, iyadda oo Telefishankan ay ku baxdo Miisaaniyad tiro badan oo aan Xisaab lahay isaga oo sita magaca qaranka, isla-markaana si toos ah uga baxay dhex-dhexaadnimadda loo sameeyay ee uu jidaynayo Shuruucdda u dejisan Dalka, waxaanu isku badalay Shaashad ay Xukuumadda iyo Shakhsiyaadka ay adeegsato ee Waji ku macaash ahi ay ka weeraraan Mabaa’dida Siyaasadeed ee Mucaaridka, waxaanay arrintani dhalisay in Shacab badani ay joojiyaan daawashadda Wararka iyo Barnaamijyadda ka baxa.
 
 
 
 
Geesta kale xoguhu waxay intaas ku darayaan in mar kale uu dib u soo laabtay Khilaaf hore u soo dhex-maray Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Maareeyaha TV-ga qaranka Khadar Cali Gaas, kaas oo la sheegay inuu ka bilaabmay laba arrimood oo ay ka mid yihiin isku shaandhayn uu Wasiir Cukuse ku sameeyay madax-waaxeedyadda Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan qaybta Wararka ee TV-ga xiligaasi uu Khadar Cali Gaas ku maqanaa Safar dibadeed, waxaana arrintaasi ka hor-yimid Maareeyaha TV-ga oo soo de-dejiyay Safar uu muddo ugu maqanaa Dalka Ingiriiska iyo soo dhaweyn Todobaadkii hore loo sameeyay Khadar Cali Gaas oo Safarkiisii ka soo laabtay, taas oo ay saluugeen Wasiir Cukuse iyo Xulifadda uu ku leeyahay Wasaaradda Warfaafinta.
 
 
 
 
 
Wasiir Cukuse iyo Maareeyaha TV-ga qaranka ayaa horaantii Sanadkii 2013-kii waxa dhex-maray Khilaaf saameeyay Shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaradda Warfaafinta oo la kala saftay labadoodda dhinac, waxaana khilaafkooddu u gudbay inay Madaxtooyaddu ka gar-naqdo, kuwaas oo awdoodo ka kala haystay xiligaasi Wasiirka Madaxtooyadda iyo Qoyska Madaxweynaha, waxaana warar wakhtigaasi soo baxay ay iftiimiyeen inuu khilaafkaasi salka ku hayay awoodaha Dhaqaale ee soo gala TV-ga.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.