“Xildhibaanku Waxa Uu Leeyahay Xasaanad, Waa Xaaraan In Shaadhka La Jiido, Mid Aanu Raali…” Duqa Degmada Berbera

Berbera (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin ahna Duqa Degmada Berbera ayaa arrin aan la aqbali-karin ku tilmaamay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhawaan Ilaaladda Wasiirka Arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera ku dhex-maray Xarunta Dawladda hoose, halkaas oo xiligii falkani uu dhacay uu Wasiirku Shir lahaa dhinacyaddii khilaafku ku dhex-maray Maxjar lagu xanaaneeyo Xoolaha ah oo ku yaala Magaaladda Berbera.
 
 
 
 
Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin oo maanta Shir Jaraa’id oo uu kaga hadlayay waxybaahihii u qabsoomay Sanadkan ku qabtay Magaaladda Berbera waxa kale oo uu sheegay in markii u horaysay Berbera laga hir-galiyay Maktabada akhris.
 
 
 
 
Waxaanu yidhi “Halkan waxaan ka cadaynayaa Bulshadda Somaliland-na u sheegayaa Caalamkana u sheegayaa, Xildhibaanku waxa uu leeyahay Xasaanad waa mamnuuc waa Xaaraan in la qabto iska daa in la jiidee Shaadhka in la qabto ayaa Xaaraan ah mid aanu raali ka nahayna maaha mid aanu Aqbali-karnana maaha, mid aanu yeelaynayna maaha mid aanu raali kaga nahayna maaha. Waanu ka xunahay horena in badan waan u sheegay aad iyo aad baanu uga xunahay” ayuu yidhi Duqa Degmadda Berbera.
 
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera oo ka hadlay Maktabada akhriska ah ee ay Berbera ka hir-geliyeen iyo waxyaabaha qorshaha ugu jira waxa uu yidhi “Waa markii u horaysay ee ay Degmada Berbera yeelato Maktabad akhriska ah (Public Library) oo ah in inta aanu awoodno qabano, laakiin Qorshayaashiisu waxa weeyaan inuu la jaan-qaadno hadday tahay guddihiisa wax la dhigay iyo haddii ay Bilicdiisa tahayba, Maktabadaas oo Buugaagtiina hadda ay soo socoto. Wax-qabadka Sanadkan waxa Qorshaha noogu jira Bilicda Magaaladda, laakiin hanka iyo himiladda ayaa ka horeeya wax helista waxaanu u badheedhnayn in aanu adeegsano Qalabkayaga, Awoodayadda iyo waxaanu haysano oo ah in aanu kula dagaalano qaybta koowaad oo loogu tallo-galay ilaa 10 Milayn oo Dollar ay gelayaan sidii Biyaha Daadadka ah ee soo galaya Magaaladda loogala dagaalami lahaa oo loo xidhilahaa” ayuu yidhi Duqa Degmada Berbera.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.