Xukuumadda Siilaanyo Oo Cashuur Ku Soo Rogtay Warbaahinta Madaxbanaan Iyo Dareenada Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news) Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa Cashuuro ku soo rogtay Warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland, siiba Telefishanada dalka ka hawl gala, iyadoo mudo todobaad ahna u qabatay. Amarka Cashuurta oo maanta soo baxay waxaa lagu socodsiiyay Maamuleyaasha Telefishanada Madaxabanaan ee dalka, iyadoo lala socodsiiyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirka Warfaafinta.
 
 
 
Qoraar Warbaahinta Madaxbanaan ay Xukuumaddu Cashuurta kaga rabto ayaa u dhignaa sidan:-

 
 
 
Cashuurta Warbaahinta Madaxabanaan lagu soo rogay ayaa u muuqata mid lagu dabakhayo haddalo maalmihii u dambeeyay ka soo yeedhayay Wasiirka Warfaafinta, kuwaasi oo ahaa in Warbaahinta la Xakameeyo, isagoo tilmaamay in Warbaahinta la diwaangalinayo lana siinayo Kaadh Wasaaraddiisu bixinayso, Liisan Cashuur lagaga qaado,Kaadh Wariyeyaashu ku hawl galaan iyo Guddi Anshax.
 
 
 
Warbaahinta Madaxabanaan ayaa Bayaan ay Shalay soo saartay kaga bixisay Jawaab Sharci qodobada Wasiir Cukuse ku xakamaynayo Warbaahinta islamarkaana ganafka ku dhufatay Qodobadaasi, iyagoo sheegay inaanu lahayn awoodahaas islamarkaana Dastuurka iyo Xeerarka Saxaafadda iyo kuwa xuquuqal Iinsaankuba madaxbaneeyeen Warbaahinta.
 
 
 
 
Caqabada ugu weyn ee Warbaahinta Somaliland ayaa inta badan lagu sheegaa inay tahay Dhaqaale Xumo, iyadoo arintaasi lagu soo bandhigay kulamo badan iyo daraasado la sameeyay. Sidoo kalena Mulkiilaha Telefishanka Horn Cabletv, ayaa maalmo sii horaysay sheegay in Warbaahintu dirqi ku wado hawlaha ay bulshada iyo dalkaba u hayso. Waxa uu sheegay in Telefishanka Qaranka iyo guud ahaan Wasaaradda Warfaafinta Lacagta ku baxdaa ka badan tahay dhawr wasaaradood Miisaaniyadooda balse Warbaahinta kale aanay haysan cid taageero dhaqaale u fidisa, iyadda oo Cashuurtan ayaa noqon karta mid Culays dhaqaale saarta Warbaahinta gaarka loo leeyahay.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.