“Baryahan Dambe Guura Bahalaynta Xukumaddu Waxay Ba U Badan tahay….” Xildhibaan Jaamac Riyo

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed(Jaamac riyo),oo ka tirsan Aqalka guurtida Somaliland, kana mid ah dadka dhaliilsan hanaanka siyaasadeed ee Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Xukumadda ku eedeeyay in wakhtigan ay bilawday hanaan Beelaha ay taageero kaga raadinayso oo ay ku soo kala dhawaysanayso Bulshada.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Jaamac Riyo Oo Aqalka Baarlamaanka kula hadlay warbaahintu, wuxuu si gaar ah la yaab ugu tilmaamay Taageero Xukumadda iyo Xisbigeedu wakhtigan ka raadinayso Bulshada Reer Axmed Dhagax/Baligubadle oo uu sheegay inay hore hadimooyin ugu gaysatay Xukumaddu islamarkaana Abaalkii ay ku taageereen dhibaatooyin ugu bedeshay
 
 
 
 
 
Ugu horayn waxa uu Xildhibaanku Xukumadda ku eedeeyay inay kala dhawaysanayso Bulshada reer Somaliland “ Inkasta oo Wakhtiga Xukumadda talada haysa uu yahay Gabaabsi, haddana waxbaa u sii dheer, oo waxaad moodaa inay gashay qaab war-war oo dambe.waxaad arkaysaa iyadoo isticmaalaysa Reer soo dhawee, Reerna Geeska galinaysa. Waxaad moodaa dabeecadihii Kali taliyeyaashu Isticmaali jireen oo kale inay ku dhaqaaqday”
 
 
 
 
Sidoo kalena waxa uu ka hadlay Cilaaqaadka Xukumadda iyo Bulshada Reer Axmed Dhagax “ Baryahan dambe Guura bahalaynta Xukumaddu waxay ba u badnayd Dhinacan Axmed Dhagax,waxase la yaab leh oo aniga Caqliyan iga degi wayday, bil matal kama xumi Caddaalad daradii ku dhacday Reer Axmed Dhagax, Taageeradii ay siiyeen iyo abaalkoodii oo noqday dhibkii Caruurta loo gaystay,Ururkii Codkiisa la boobay…waxyaabahaas oo dhan shido igama hayso waxase aan ka gam’I la’ahay aniga iyo intii Caqli Saliima leh ee aan Xiska lala wadaagini dib u hunguraynta haddana Reer Axmed Dhagax dib loo soo hungureeyay.ta Iga dagi wayday waxa weeye Xisbigii iyo Xukumaddii dadkaas waxaan Ogay u gaystay ayaa haddana dib rajo uga qaba oo dib u hunguraynaya”
 
 
 
 
 
Xildhibaan Jaamac Riyo waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Xukumadda inay abuurtay shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawaca sababtay ee dhawaan ka dhacday dalka, isagoo ugu baaqay inay si nabad ah wakhtigeeda ku dhamaysato ” Waxaan leeyahay Xukumadda Cimri tagaya Ceeb laguma sabootiyo, wakhtiguna waa Gabaabsi, waxaa muhiim ah in si nabad galyo ah oo Saliim ah wakhtigeeda ay ku dhamaysato “
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.