“Doorasho Ayaa Maanta Laga Hadlayaa, Waxay Ila Tahay Meesha Kuma Jirto Muddo Kordhini” Guddoomiyaha Guurtidda

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aanu jirin wax muddo kordhin ah oo ay Golen ahaan u qorshaynayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
Guddoomiye Saleebaan oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Golaha Guurtiddu uu waajibkiisa si waafaqasan Shuruucdda Dalka u guto.
 
 
 
 
Waxaanu yidhi “Doorasho 2015-ka joogta baynu maanta ka hadlaynaa oo Wakhti iskaga luminaynaa, aniga waxay ilatahay meesha kuma jirto muddo kordhini Dawladina ma hadlayso anaguna (Golaha Guurtidda ma hadal hayno Goleyaalna ma hadlay hayaan inta ay khusaysaana waa intaa” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
 
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu intaas ku daray “Anigu Gole ayaan madax u ahay, haddii Golaha la dhaliinayana waajibaadkoodana wey gutaan meel walba waa laga amaanayaa. Guddoomiyahoogiina wuu xun-yahay cidana idinka rumaysan mayso, malaha idinkaa ila badheedhay ee Dadweyne imalaha”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.