Guddoomiyaha Gobolka Salal Oo Ka Hadlay Tahriibayaal Lagu Qabtay Biyaha Saylac

Sayla (Berbera news) Guddoomiyaha Gobolka Salel Cabdirisaaq Waabari Rooble ayaa sheegay inay qabtay 27 qof oo tahriibeyaal ah oo sifo sharci darro ah doonayay inay uga tahriibaan biyaha degmadda Saylac.
 
 
 
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Ciidanka qaranku ay toddobaadkan gudihiisa soo qabteen 18 tahriibe oo lagu qabtay Saylac, ka dib markii ciidammadda ammaanku ka war-heleen dhaqdhaqaaqooda.
 
 
 
Cabdirisaaq Waabari waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ciidanka ilaaladda xeebuhu ay soo qabteen 9 qof oo tahriibeyaal ah iyo laash yar oo ay wateenba.
 
 
Waxaanu yidhi “Waxaan ammaanayaa ciidamadda qaranka iyo ilaaladda xeebaha Somaliland ee gobolka Salel, waxaanan halkan ka caddaynayaa in 27 qof iyo laashka la qabtayba la hor-geyn doono maxkamadda gobolka Salel,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Salel, waxaanu sheegay in mudooyinkii u dambeeyay ciidammadda kala duwan ee dalka ee sugan gobolkaas ay si feejigan ula socdaan dadka doonaya inay ka tahriibaan biyaha Saylac.
 
 
 
Guddoomiyaha Gobolka Salal waxa kale oo uu sheegay in dhamaan dadka la qabtay ay u badan yihiin kuwo ka soo kala jeeda dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, hase yeeshee ay aad u yar yihiin kuwa reer Somaliland.
 
 
 
Cabdirisaaq Waabari waxa uu sheegay in ay hadda ka dib tallaabo adag ka qaadi doonaan gaadiidlayda lagu qabto iyagoo gobolka keenay dad tahriibeyaal ah, waxaanu xusay in aanay xeebaha Somaliland ahayn qaar laga tahriibo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.