Mooshinkii Kalsooni Kala Noqoshada Raysal-wasaaraha Somalia Oo Xildhibaanada Loo Qaybiyay Iyo Buuq Ka Dhashay

Muqdisho (Berbera news) Mooshinkii ka dhanka ahaa Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta loo gudbiyay Baarlamaanka, iyadda oo Mudanayaal ka soo hor-jeeday Mooshinkani ay buuq ku kiciyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
 
 
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isku dayay inuu xildhibaannada buuqa waday xakameeyo, balse way ka dhego-adaygeen iyagoo buuqooda iska sii watay, waxaana taasi ay keentay in Guddoomiyuhu uu hoolka shirarka ee Baarlamaanka isaga baxo.
 
 
 
Xildhibananada ka soo horjeeda Mooshinka ayaa la sheegay inay jeex-jexeen nuqulladii Mooshinka ahaa ee loo qaybiyay, halka kuwii taageersanaana ay hore u qaateen nuqulladii loo qaybiyay.
 
 
 
 
Mudanayaasha kas oo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaaraha Somalia iyo Xukuumaddiisa ayaa isku dayaya weli inay hor-joogsadaan inuu Mooshinkaas noqdo mid socda, iyada oo aan la ogayn Go’aanka uu Jawaari ka qaadan doono Xildhibaannadaas.
 
 
 
Buuqa Xildhibaannada ka soo horjeeda Mooshinka ay ka sameeyeen Golaha Baarlamaanka ayaa noqonaya kulankii saddexaad oo sidan oo kale ay uga sameeyeen Baarlamaanka, iyada oo Mudanayaashu ay buuqa kaddib isaga baxeen hoolka.
 
 
 
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka oo intii aanu bixin hadal kooban jeediyay, waxaanu sheegay in Xildhibaannadu ay Mooshinka soo akhristaan muddo shan maalmood ah, kaddib-na la billlaabi doono doodda Mooshinkan iyo cod u qaaditiisa.
 
 
 
Buuqii maanta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Somalia ayaa sii xoojinaya jahwareerka ka taagan dhismaha Baarlamaanka iyo kala qaybsanaanta u dhexeysa Xildhibaanada aragtiyada iska soo horjeeda qaba.
 
 
 
Halkan ka daawo buuqa ay sameeyeen Xildhibaanada diiday Mooshinka.
 

 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.