“Waxay Guurtiddu Cadeeyeen In Khaladaadkii Xeerka Uu Masuuliyadeedda Leeyahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu”

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in go’aankii golaha guurtidu ka soo saaray khilaafkii golahooda ay ku caddahay in guddoomiye Cirro dusha loo saaray khaladaadkii ka yimi xeerkii diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha ee uu dhalan-gadiyey, kaasoo sabab u ahaa khilaafkii ka dhex dhashay mudaneyaasha.
 
 
 
 
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin iyo xildhibaan Ibraahim Caraale Ruush oo si gooni gooni ah ugu waramayay wargeyska Dawan ayaa waxa ay guddoomiyaha golaha wakiillada ku tilmaameen hasha geela cunta ee cabaada, waxaanay xuseen in ummaddu aragtay shaqsiyadda guddoomiye Cirro.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Ibraahim Caraale Ruush ayaa ugu horeyn timaamay in bulshada ay u caddaatay in qaladkii uu sameeyay guddoomiye Cirro inuu raali-gelin ka bixin waayay, waxaanu yidhi, “Go,aamadii golaha guurtidu akhriyeen ee ay ku xaliyeen khilaafkii golaha wakiillada Somaliland, kaasoo ka bilaabmay nuxurkiisuna ahaa xeer 37 oo aanu guddoomiyaha golaha wakiillada ku eedaynaynay inuu ku daray go,aamo qalad ah, kuwaasoo xaraan ka ah codkii ay qaadeen mudaneyaasha goluhu in wax aan ahayn la gudbiyo, kaasoo ahaa badheedh cad iyo waxa aan munaasib ahayn oo lagu dhex-daray xeerkii diiwaan-gelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha, waxay guurtidu cadeysay in mashruuca xeer lambar 37 ee wax ka bedelka iyo kaabista diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo muwaadiniinta la galiyay qaladaad qodobbada qaarkood markii loo soo gudbiyay golahaas codeyntii golaha wakiilada ka dib waxa kale oo go,aamadooda ay ku cadeeyeen qodobka labaad qaladkii ku dhacay mashruucii xeerkii diiwaan-gelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha in masuuliyadeeda uu leeyahay guddoomiyaha golaha wakiilladu, maadaama oo uu yahay masuulka ugu sareeya maamulka golaha, leeyahayna saxeexa gudbinta xeerarka iyo wixii la mid ah, qodobkaasi waxa uu bulshada u cadeeyay hasha geela cunta ee haddana cabaada inuu yahay guddoomiyaha golaha wakiilladu intuu qalad ku sameeyay xeerkii, haddana uu garawsan waayay, haddana waxa uu hadalkiisa ku daray inuu yahay guddoomiye daacad ah haddii go,aamadii guurtidu yeedhisay uu dhageysanayay wuu is-casili lahaa Cirro, xeerkani maadaama uu caynkaas u cadaaday waxay ahayd in dembi lagu qaado Cirro waxay kala xishoodeen guurtidu inay dembigii ku qaadaan, laakiin cid aan kala xishoonayn ayaa jirta oo bulshadu indhaheeda ayay qabtaa, nin weliba wixii uu sii dhigtay wuu helayaa, waayo bulshadu dhago iyo indho ayay leedahay waxna way arkayaan ninka maanta xeer qalday bari siduu u galayo way garanayaan.”
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Saleeban Cawad Cali Bukhaari oo isaguna ka hadlay go,aankan golaha guurtidu ka soo saaray khilaafkii golaha wakiillada ayaa waxa uu tilmaamay in wixii khilaafku ka dhashay uu ahaa xeerkii diiwaan-gelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha ee uu dhalan-gediyay guddoomiye Cirrom, waxaanu yidhi, ”Waxaanu cadeynaynaa qaylada wixii keenay ee golaha halkaa gaadhsiiyay waxa uu ahaa xeerkii wax ka bedelka iyo kaabista diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo muwaadiniinta ee aanu nidhi xeer aan ahayn xeerkii aanu ansixinay ayaa la gudbiyay, mar haddii taasi cadaatay halkay ka timi oo waxa aanu sheegaynay run noqdeen, waxaanu bulshada u sheegaynaa in aanaan dhibaato wadin ee aanu dabo soconay xeerkii la bedelay, taasna way inoo cadaatay markaa waan ku faraxsanahay qodobka labaad waxa weeye guddoomiyaha yaan la ridin ayaa la yidhi, taas waxay barbar dhigeen guurtidu isaguna intaas yaanu u bixin wax u eeg olole doorasho labadaa qodob way wada socdaan.’’
 
 
 
 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa isaguna waxa uu tilmaamay in guddoomiye Cirro ku cadaatay inuu wax ka bedel ku sameeyay xeerkii diiwaangelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha, isagoo arrimahaaas ka hadlayana waxa ka mid ahaa hadalkiisii, ”Arrintu laba may ahayn mid ayuun bay ahayd waxa la isku hayay ee khilaafka dhaliyay oo ahaa xeerkii ka baxay golaha wakiillada ee la maydhaamay intaas ayuu khilaafku ka dhashay intiina go,aamadan guurtidu soo saartay meel ayay ku cadaatay, waxa kale oo ku cadaatay qodobadan inaanu guddoomiyuhu golaha dhex u ahayn ee uu dhinac ahaa, runtiina waa labadii qodob ee dooddayadu ku fadhiday ee ay ka bilaabmatay khilaafkii golaha wakiillada ka jiray.”
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa