“Xasan Sheekh Inuu Aqoonsado Khaatumo, Waxa Uu Is-leeyahay Carqaalad-bay Ku Noqonayaasaa Wadda-haladda Somaliland Iyo Somali” Cali Khaliif

Hargeysa (Berbera news) Hoggaamiyaha Kooxadda Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud aanu aqoonsan-karin Kooxdiisa, waxaanu arrintaasi ku sababeeyay inay Carqalad ku noqonayso wadda-haladda u socda Somaliland iyo Somaliya.
 
 
 
 
 
Cali Khaliif oo Waraysi siiyay Idaacadda BBC-da Laanteedda Afka Somaaliga ayaa waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Somaliland iyo Maamulka Puntland ay cadaasi Siyaasadeed ku hayaan Siyaasadda Kooxdda Khaatumo ee uu Hoggaamiyo.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Madaxweyne Xasan Sheekh wadda-haladda u socda Somaliland ayaan is leeyahay anigu inuu u arko in wadda-hadaladaasi ay carqalad ku noqonayaa inuu Aqoonsado Khaatumo. Anaga labad wax ayaa noogu muhiimsan oo ah Dhulkayaga inaanu xorayno oo Gacanta Dadka Dhulkan leh ay u soo noqoto” ayuu yidhi Cali Khaliif
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Waxaan is leeyahay Dadka Sool, Sanaag iyo Cayn ku nooli haddii Qabiil loo eego, Qabiil ka midaysani ma jiro, haddii aad tidhi Somaliland iyo Puntland wey ku kacsan-yihiin Xaq ay u leeyihiin Umaddu Dhulkooda ma muran-bay gelinayaan. Maalintii Xasan Sheekh Maxamuud la Doortay waa kuwii u soo baxay ee ay Somaliland xidh-xidhay”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa