Diyaaraddaha Dagaalka Kenya Oo Duqeeyay Deegaano Ay Ku Sugan-yihiin Al-Shabaab

Hargeysa (Berbera news) Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa duqeeyay deegaanka Hargeysa-yarey oo ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo duqeyntan ay ka mid tahay kuwo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay Kenya ka geysanaysay gudaha Somalia.
 
 
 
Dad goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay inay maqlayeen madaafiic xooggan oo ku dhacaysa nawaaxiga deegaanka Hargeysa-yarey, balse lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ay duqeyntaas geysatay.
 
 
 
 
Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah gobolka keliya ay Al-shabaab gacanta ku hayso gobollada Soomaaliya oo dhan, iyadoo dhawaan ay dowladda Kenya sheegtay inay dishay ugu yaraan 100 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, balse kooxda ayaa beenisay warkaas.
 
 
 
 
Maalmihii lasoo dhaafay ayay Kenya duqeymo aan kala joogsi lahayn ka wadday deegaanno ka tirsan gudaha Somalia, kuwaasoo ay sheegtay inay yihiin goobo ay Al-shabaab ku sugan tahay.
 
 
 
 
Afhayeen u hadlay milateriga Kenya ayaa sheegay in weerarradan ay yihiin kuwo la dhashay dilkii ay Al-shabaab u geysatay Sabtidii lasoo dhaafay 28-qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ku safrayay bas kuwa dadweynaha ah.
 
 
 
 
Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeyntan, inkastoo dadka deegaannadaas ku nool ay sheegeen inay maqleen madaafiic ku dhacaysa deegaanka Hargeyso-yare.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.