Ciidamadda RRU-da Oo Xabsiga U Taxaabay Xog-hayihii Ururka JIIDALI

Hargeysa (Berbera news) Ciidanka RRU-da ayaa Caawa Xidhay Xog-hayihii Ururka JIIDALI Cabdikariin Maxamed Cumar iyo Xubno kale oo la sheeay ay ka tirsan-yihiin Ururka, kuwaas oo ku sugnaa Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa.
 
 
 
Xog-hayaha ayaa waxa lagu Xidhay isaga oo ku sugnaa Munaasibad uu Ururka JIDAALI ay kaga hadlayeen Xadhiga Guddoomiyahooda Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo isna muddo ku xidhan Xabsiga Magaalada Hargeysa, Xafladan oo hataan ka socota Hotel Crown ee Magaalada hargeysa.
 
 
 
Munaasibadan ayaa Ciidanka Boolisku isku dayeen in ay Joojiyan, balse waxa ka Diiday Dhalinyaradii Ururka JIIDALI ee soo qaban-qaabsada, iyagga oo Booliska u sheegay in ay xor u yihiin, isla-markaana ay kulamo iskugu iman-karaan ay kaga arrinsanayaan arrimaha Ururka JIIDAALI.
 
 
 
Ciidanka Booliska ay qabtay Xog-hayaha isla-markaan xidhay, wararka naga soo gadhaya Munaasibadaasi waxay sheegayan in wali Xafladu si Nabad-gelyo ah u socoto.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.