Dawladda Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Jabuuti

Hargeysa (Berbera news) Dalka Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digtay inay u safraan dalka Jabuuti, kaddib markii ay heshay xog ku aaddan weerraro Argagixiso oo laga yaabo in danaha uu Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti lagu bartilmaameedsado, sida lagu sheegay war kasoo baxay WasaaraddaArrimaha dibadda Maraykanka.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday Muwaadiniinta Maraykanka ah ee jooga Jabuuti inay xakameeyaan dhaq-dhaqaaqooda, isla-markaana taxadaraan, iyada oo ay sheegtay inay dhici karaan weeraro Argagixiso.
Digniintan ayaa waxaa lagu sheegay suuro-galnimada weerarro Argagixiso oo ka dhaca dalka Jabuuti, inkasta oo aanay weli dowladda Jabuuti si rasmi uga hadlin digniinta uu Maraykanku soo saaray.
Maraykanka ayaa hore u soo saaray digniino kuwan oo kale ah, kuwaas oo Muwaadiniintiisa uu uga digay inay u safraan dalal ku yaal Afrika, cabsi laga qabo inay beegsadaan kooxaha Islaamiyiinta ah awgeed.



Ciidammo ka socda dalka Jabuuti oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku sugan Somalia, iyada oo hore digniin uga soo baxday Al-Shabaab ay ku sheegeen inay weerarayaan Jabuuti.
 
 
Xukuumadda Washington ayaa saldhig weyn ku leh Jabuuti, waana halka ay ka soo duulaan diyaaradaha duqaymaha kala duwan ka geysta dalka Somalia, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha Al-Shabaab.
 
 
Al-shabaab ayaa bishii May ee sannadkan weerar is-qarxin ah ka fulisay Makhaayad ku taalla dalka Jabuuti, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Ajaanib dalkaas ku sugnaa.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa