Maxkamad Ingiriis Ah Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Shirkad Daabacday Waraaqaha Doorashadda 4 Dal Oo Somaliland Ka Mid Tahay

Hargeysa (Berbera news) Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Dawladda Ingiriiska, ayaa Dacwad ku Oogay Shirkad lagu magacaabo Smith and Ouzman Limited oo ah Shirkaddii Daabacday Waraaqihii Doorashooyinka Madaxtooyada sanadkii 2010 iyo Degaanka 2012 ee Somaliland. Shirkaddan ayaa loo haystaa inay Afar dal oo Africa ah Somaliland na ka mid tahay hab musuqmaasuq ah ku heshay inay Waraaqaha doorashada u Daabacdo.
Xogo maalmihii u dambeeyay ay daabaceen Wargaysyada ugu Caansan Kenya ee Daily Nation iyo The East African, ayaa muujinaya xaddiga Lacagaha la siiyay Guddiyada Doorashada iyo Saraakiil kale oo fududeeyay ee wadamada Kenya, Somaliland, Ghana iyo Muritaniya
Kenya



Sida ku cad Dhukumentiyada Maxakamadda, Shirkaddan Smith and Ouzman waxay Guddida Doorashada Kenya Laaluush ahaan u siisay $545,091(Shan boqol,afartan iyo shan kun iyo kow iyo sagaashan Dollar), si ay ugu guulaysato qandaraaska daabacadaa waraaqaha doorashada iyo aftidii distoorka.Wakiilka shirkaddan u jooga Kenya waxa uu ahaa Trevy James Oyambra, oo ah Ninka Laaluushka u fududeeyay.
 
 
 
Somaliland
 
 
Somaliland, Qandaraaska Agabka doorashadu waxa uu dhamaa Hal Milyan oo Doolar oo lagu eedaynayo in $32,000(Laba iyo sodon kun oo Dollar) oo Laaluush ah laga siiyay Cabdi Cumar oo isna Dhankiisa $12,314(Laba iyo toban kun oo dollar saddex boqol iyo afar iyo toban kun oo Dollar) oo uu lacagtaas ka mid ah sii siiyay masuuliyiin musuqmaasuq ah oo uu gacan saddexaad u sii mariyay. Cabdi Cumarayaa ahaa wakiilka Shirkaddan ee Fududeeyay hawshan laaluushka ah.waxaana la ogyahay in shirkaddani soo daabacday waraaqihii u dambeeyay ee Doorashadii Madaxtooyada iyo degaanka, iyadoo Guddidii Doorashaduna aanay eedahan ka hadal.
 
 
Murutaniya
 
 
Muritaniya,$76,182.83(Lix iyo todobaatan kun iyo boqol iyo saddex iyo sideetan dollar) ayaa la sheegay in lagu laaluushay Sarkaal ka risan Wasaaradda arimaha gudaha,
 
 
Gaana
 
 
Gaana, qiimaha qandaraasyadu waxa uu dhamaa $426140. Xaddi dhan 38,403 waxaa la siiyay Bill Amarteifio,oo ah wakiilka shirkadda ee dalka Ghana iyo lacag dhan $19,344 oo la siiyay Elliot Agyare, Ninkaasi oo la faray in uu laaluush siiyo Masuuliyiinta Golaha Imtixaanaadka ee Galbeedka Africa oo magaciisa loo soo gaabiyo WAEC, intii u dhexaysay Bishii January iyo September 2009.
 
 
 
Shirkaddan ayaa Dalka Kenya laga mamnuucay inay mar dambe u soo daabacdo Waraaqaha Doorashada, iyadoo waliba lagu daray Liiska Madow. Ilaa hadda lama oga waxa Somaliland uga qorshaysan Shirkaddan iyo in Guddida cusub ee doorashooyinku go’aan ka qaadan doonaan shirkaddan Dacwada Musuqmaasuq ku socoto.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.
Source Geeska Afrika.