Siyaasiyiinta Isbadal-doonka KULMIYE Iyo Taageerayaashooda Oo Beri Ku Biiraya Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Berbera news) Caasimadda Hargaysa ayaa waxa si weyn looga dareemayaa labadii caano maal ee u dambeeyay u diyaar garowga xaflada uu xisbiga Mucaradka ah ee WADDANI ku soo dhaweynayo masuuliin miisan culus ku leh siyaasada Somaliland iyo mawjado taageerayashooda ah oo ay horkacayaan,kuwaasi oo maalinta beri ah si rasmiya ugu biiri doona xisbiga muraacadka ah ee WADDANI.
 
 
Masuuliyiinta oo hore xilala ugu soo qabtay xukumada KULMIYE ayaa waxa ka mid ah wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale Iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Xuseen Xoog,Wasiirkii hore ee arrmiha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur,Badhasaabkii hore ee G/Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) iyo Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhiinta, Cali Cilmi Geele, agaasimihii dib u-dejinta Axmed Cilmi Barre.
 
 
 
Munaasibadan oo lagu wado inay maalinta beri ah, ka dhacdo Hotel Crown-ka magalada Hargaysa ,munaasabadan ayaa kaga duwan kuwii hore uu xisbiga WADDANI ugu samayn jiray masuuliyiinta ku soo biiray,iyadoo aanay hore u dhicin in afar xubnood oo xisbiga KULIMYE ka soo noqday wasiir iyo xubin badhaasaab hore ugu ahaan jirtay ay ku soo biirayaan xisbiga WADDANI.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.